Mikel Arteta Oo Shaaciyey Liiska Ciyaartoyda Arsenal Ee U Safartay Bournemouth Iyo Nafiska Uu Ka Helay Dhaawacyadii Badnaa


Mikel Arteta ayaa isku dayi doona in uu dheellitir u helo kooxdiisa kulanka maanta ee Bournemouth, isla markaana uu maareeyo xiddigaha muhiimka ah ee dhaawaca kaga maqan, inkasta oo kuwo kale gaar ahaan weerarka uu nasiyey kulankii Brentford ee Arbacadii.

Arsenal oo galabta marti u noqonaysa Bournemouth, waxa dhaawac ka ah xiddigo muhiim ah sida Declan Rice iyo Thomas Partey, hase yeeshee laacibka aan usbuucyadii u dambeeyey ku jirin xisaabta, illaa haddana garoomada ka maqan waa Gabriel Martinelli oo markii ugu dambaysay ee garoomada lagu arko ay ahayd ciyaartii Everton oo uu qabtii hore ka baxay.

Mikel Arteta ayaa xaqiijiyey, in William Saliba, Bukayo Saka iyo Leandro Trossard ay dhamaantood dhaawacyo ku seegeen kulankii Brentfored iyadoo hore ay muddo uga sii maqnaayeen Thomas Partey iyo Jurrien Timber, balse laf-dhabarta maqnaanshihiisu dhibaatada ku keenayo waa Declan Rice.

Gunners oo kaddib ciyaarta Bournemouth isku diyaarin doonta kulamada adag ee Champions League iyo Manchester City oo Premier League ah, waxa dib ugu soo laabtay Takehiro Tomiyasu oo uu kusoo bilaabi doono, si uu u nasiyo ciyaartoydiisa muhiimka ah qaarkood, amaba u firfircoonaysiiyo.

Inkasta oo Mikel Arteta uu shaki geliyey Saliba, Vieira iyo Trossard, haddana dhamaantood waxay ku jiraan liiska kooxda, hase yeeshee Gabriel Martinelli iyo Declan Rice ayaa ka maqan.

Liiska ciyaartoyda Arsenal ee kulanka Bournemouth

Goolhayeyaal: David Raya, Aaron Ramsdale

Difaacyahanno: Ben White, Takehiro Tomiyasu, Gabriel Magalhaes, William Saliba, Cedric Soares, Oleksandr Zinchenko, Jakub Kiwior

Khadka Dhexe: Jorginho, Martin Odegaard, Emile Smith Rowe, Mohammed Elneny, Fabio Vieira

Weerarka: Gabriel Jesus, Reiss Nelson, Eddie Nketiah, Bukayo Saka, Leandro Trossard, Kai Havertz

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*