DEG-DEG: Everton Oo Laga Jarayo Dhibco Kale Iyo Walaaca Man City & Chelsea


Kooxda kubadda cagta Everton oo shalay laga jaray toban dhibcood oo sababay inay kaalinta 19aad ee horyaalka Premier League u dhacdo, ayaa waxa haddana la sheegay in mar kale laga jarayo sagaal dhibcood oo kaliya, taas oo haddii ay dhacdo sababi doonta in laga qaado afarta dhibcood ee ay hadda haystaan, laguna yeesho shan dhibcood oo aanay wali shaqaysanin (-5).

Waxa kale oo Everton lagu soo oogayaa dacwad kale oo ah in Burnley, Leicester City iyo Leeds United ay ka dalbanayaan inay Toffees siiso lacag dhan £300 milyan oo Gini oo ay hore u sheegeen in ay ka doonayaan, sababtoo ah in Everton ay samaysay qaladaad dhinaca maaliyadda ah ayaa khasaare gaadhsiiyey naadiyadan.

Everton ayaa hadda waxa ku bilaabmaysa dacwadda saddexdan kooxood iyadoo hore loogu helay in khasaaraha ay diiwaangelisay uu aad uga badan yahay intii loo ogolaa in kooxaha Premier League ay xilli-ciyaareedkii diiwaangelin karayaan.

Haddii ay ka badbaadaan dacwadda cusub ee ah £300 milyan ee Gini ee magdhowga ah ee ay kooxaha Burnley, Leeds United iyo Leicester City ay ku oogeen ay ka badbaadaan, waxa lagu qasbi doonaa FA-ga iyo Premier League in ay ka jaraan sagaal dhibcood oo kale, kooxdana gacanta loo geliyo dawladda, inkasta oo dhowaan ay iibsadeen shirkadda Maraykanka ah ee 777 Partners.

Waxa kale oo wadnaha farta ku haya Chelsea oo hore u qiratay in ay samaysay qaladaad dhinaca suuqa ah iyo Manchester City oo loo haysto in ay muddadii u dhaxaysay 2012 illaa 2018 ay si xidhiidh ah u jabinaysay sharciga dhaqaalaha, kuwaas oo ka walaacsan in iyagana ciqaabta Everton oo kale la marsiiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*