Iska Illow Liverpool!! Abbaha Luis Diaz Oo Shaaciyey Kooxda Uu Wiilkiisu Ku Riyoonayo Inuu U Ciyaaro


Aabbaha dhalay xiddiga Liverpool ee Luis Manuel Diaz ayaa sheegay, in wiilkiisu uu ku riyoonayo inuu u ciyaaro koox kale oo weyn oo reer Yurub ah oo aan ahayn Liverpool, waxaana uu hadalkan qumbuladda ah soo tuuray maalmo kaddib markii laga soo daayey afduub in muddo ah loo haystay.

Luis Manuel Diaz ayaa aabbihii iyo hooyadii waxa laga afduubtay hoygooda, waxaana la haystay Diaz muddo laba usbuuc ah halka Cilenis Marulanda oo ah hooyada laacibkan saacado gudahood lagu sii daayay.

Diaz oo daawaday ciyaartii isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 ee ay Colombia 2-1 ku garaacday Brazil toddobaadkan, isla markaana oohin is-celin waayey, ayaa waxa uu sheegay in wiilkiisa oo labada gool u dhaliyey Colombia ciyaartaas uu ku riyoonayo inuu u ciyaaro kooxda reer Spain ee Barcelona.

“Runtu waxay tahay, Luis Diaz illaa yaraantiisii waan ogaa, waxaana uu ku riyoon jiray inuu maalin uun u ciyaaro Barcelona oo uu taageere daacad ah u ahaa. Illaa hadda waan uga mahad-celinayaa Porto iyo Liverpool sida ay usoo dhoweeyeen.” Ayuu yidhi Luis Manuel Diaz.

Waxa uu Luis Manuel Diaz intaa ku daray: “Luis waa ciyaartoy si fudud u hela guusha sababtoo ah sida uu u ciyaaro, sababtoo ah dadnimadiisa, sababtoo ah shaqadiisa, sababtoo ah naf-hurnimadiisa, waa ciyaartoy akhlaaq leh. Illaahay ayaa mahadleh. Wax dhibaato ah lama uu kulmi lahayn haddii Luis uu iman lahaa Barcelona, sababtoo ah waxay ka mid yihiin kooxaha ugu wanaagsan adduunyada.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*