Man City Iyo Chelsea Oo Heerka 2AAD Loo Dhaadhicinayo Kaddib Markii 10 Dhibcood Laga Jaray Everton


Kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee Manchester City oo saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah ugu guuleysatay horyaalka iyo Chelsea oo lacag ka badan 1 bilyan oo Gini ku iibsatay ciyaartooyo saddexdii suuq ee ugu dambeeyey, ayaa waxa ay tahay in loo diro heerka labaad oo laga caydhiyo horyaalka Premier League.

Khubaro dhaqaalaha ku takhasustay ayaa waxay sheegtay, in labadan kooxood ay ciqaabtoodu noqonayso in heerka labaad ama saddexaad loo dhaadhiciyo, kaddib markii Everton lagu helay inay jabisay sharciga dhaqaalaha oo laga jaray toban dhibcood.

Everton ayaa u dhacday kaalinta 19aad, waxaanay isku dhibco noqdeen naadiga ugu hooseeya miiska kala-sarraynta ee Burnley oo ay leeyihiin min 4 dhibcood, kaddib markii laga jaray tobanka dhibcood.

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa iyadana waxa ku socota dacwad sheegaysa in ay sharciga dhaqaalaha jabiyeen 115 jeer, halka Chelsea ay miiska saaran yihiin go’aamada ah in dhibco laga jaro iyadoo lagu haysto in ay sharciga ku tumatay waqtigii Roman Abramovich.

Stefan Borson oo ah sharci-yaqaan iyo khabiir dhaqaale, ayaa waxa uu eegay dhibaatooyinka ay mutaysan karayaan Man City iyo Chelsea iyadoo la raacayo dembiyada sababay in Everton laga jaro toban dhibcood.

“Iyadoo aan la eegin xukunka ku dhacay ee tobanka dhibcood lagaga jaray Everton, waxa uu iila muuqdaa inuu yahay in ay si xun u jabiyeen sharciga dhaqaalaha (FFP).” Ayuu yidhi Stefan Borson, waxaanu ku daray: “Laakiin sharcigu waa in uu shaqeeyo oo la ganaaxo Man City iyo Chelsea oo iyadu qiratayba dembiyadeeda, waana in labadoodaba heerka labaad loo diro.”

Stefan Borson ayaa waxa uu hadalkiisu abuuray dood culays ku keenaysa xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska iyo Premier League, taas oo ah in ay labada kooxood ee Chelsea iyo Manchester City baadhitaan dheeraad ah ku sameeyaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*