Tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee lagu qabanayo waddanka Germany, waxa halis ugu jira inay ka maqnaadaan xiddigo waaweyn oo qaarkood ay filayeen in markii ugu dambaysay waddamadooda ay usii ciyaaraan ka hor inta aanay ciyaaraha ka fadhiisan, waxaana ka mid ah Luka Modric oo dalkiisu uu dab kulaalayo.
Erling Haaland ayaa ka jira tobanka ciyaartoy ee waaweyn ee halista ugu jira in dalalkoodu ay ka maqnaadaan Euro 2024, iyadoo mar horeba ay waddamo dhawr ah sida England, Spain iyo France ay boosaskooda diyaarsadeen oo ay usoo gudbeen tartanka lagu qabanayo Jarmalka.
Dalka martigelinaya ee Jarmalka ayaa si toos ah uga qayb-gelaya oo aan isreeb-reeb u baahnayn, laakiin waxa ay fursadahoodu laalan yihiin Norway, Sweden Croatia iyo dalal kale.
Erling Haaland iyo Martin Odegaard oo ka maqnaaday Koobkii Adduunka ee sannadii hore oo uu dalkoodu awoodi waayay in uu usoo baxo, ayaa mar kale halis ugu jira inay ka maqnaadaan Euro 2024.
Norway ayaa waxa ay u baahan tahay in ay garaacdo Scotland, si ay usoo gasho isreeb-reeb kale oo tartankan kaga xidhan, waana in ay ku ducaysato in dalalka kale ay qabtaan Scotland.
Hormadan A waxa kasoo baxday Spain, sidoo kalena Scotland oo labaad kaga jirta oo haysata 15 dhibcood, isla markaana ciyaar baaqi u tahay, halka Norway oo saddexaad fadhida ay 10 dhibcood haysato iyadoo waliba ciyaartay kulanka baaqiga u ah Scotland.
Xulka qaranka Talyaaniga ayaa isaguna halis ku jira, iyagoo waliba ah waddanka difaacanaya tartanka Euro 2024. Talyaaniga oo ka maqnaa Koobkii Adduunka 2022 iyo 2018, ayaa waxa ay kaalinta saddexaad kaga jiraan Group C oo mar horeba uu kasoo baxay xulka qaranka England, waxaana labaad ku jirta Ukraine oo haysata 13 dhibcood, halka Talyaanigu uu 10 dhibcood leeyahay, balse waxa baaqi u ah hal ciyaar ay dheeleen Ukraine.
Gianluigi Donnarumma oo PSG ah iyo xiddiga wacdaraha ka dhigaya Tottenham ee Destiny Udogie ayaa ay tahay inay guulo kasoo hooyaan kulamada North Macedonia iyo Ukraine ee ay fursaddoodu ku xidhan tahay, inkasta oo laacibka dambe ee Udogie uu dhaawac kaga maqan yahay kulamadan.
Ukraine ayaa sidoo kale looga baahan yahay inay si adag u dagaallamaan kulamada ka hadhsan group D, sababtoo ah waxay ku jiraan kaalinta saddexaad, waxaanay isku dhibco yihiin Wales oo labaad ku jirta.
Turkey ayaa kaalinta koowaad ku jira oo 16 dhibcood haysa, halka Croatia iyo Wales ay min 10 dhibcood haystaa, iyadoo min saddex ciyaarood ka hadhsan yihiin hormadan.
Luka Modric oo ay da’diisu tahay 38 jir oo sannadkii 2018 keenay dalkiisa finalka Koobka Adduunka oo uu Faransiisku ka qaaday, sidoo kalena 2022 keenay afar-dhamaadka, ayaa fursaddii ugu dambaysay ee uu xulkiisa ugu ciyaarayo ay tahay tartanka Euro 2024.
Waxa kale oo halis ku jira inuu tartankan ka maqnaado difaaca Manchester City ee Josko Gvardiol ee kusoo caan-baxay Koobkii Adduunka 2022.
Xulka Sweden waxa ay mar horeba ka hadheen labada boos ee sida tooska ah uga soo baxaya Group F, waxaana kasoo gudbay Belgium iyo Austria oo iska xaadiriyey waddanka Germany, laakiin waxa ay tahay inay ku dagaallamaan booska kaalinta saddexaad ee isreeb-reebka soo gelaya.
Alexander Iska iyo Dejan Klusevski oo ah hoggaamiyeyaasha xulka Sweden oo haysta 7 dhibcood, waxay ka baxsanayaan Azerbaijan oo haysata 4 dhibcood oo booska isreeb-reebka loosoo gelayo ku haysata.
Robert Lewandowski iyo xulkiisa Poland ayaa sidoo kale halis ugu jira in ay ka hadhaan tartanka Euro 2024, iyadoo laacibkan ay da’diisu kusii siqayso 35 jir oo aanu marnaba dalkiisa ku hoggaamin wax koob ah.
Ciyaartoyga kale ee wacdaraha dhigaya ee xulkiisu halista ku jiro waa Evan Ferguson oo Ireland iyo Brighton u ciyaara.
Be the first to comment