Goolhaye Ederson Oo Ka Dhaawacmay Man City Ka Hor Kulamada Liverpool, Tottenham Iyo Aston Villa


Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa waxa ka dhaawacmay goolhayaheeda koowaad ee Ederson, waxaana laga saaray liiska xulka qaranka Brazil ee kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee toddobaadkan iyo usbuuca dambe.

Ederson ayaa waxa uu dhaawac kasoo gaadhay lugta bidix intii ay socotay ciyaartii Chelsea ay barbarraha 4-4 ah wada galeen Axaddii.

Manchester City iyo xulka Brazil midkoodna ma sheegin inta uu le’eg yahay dhaawaca Ederson ee sababay in laga saaro liiska xulka qarankiisa oo uu ahaa dookha koowaad tan Koobkii Adduunka 2022 oo uu booska ka riixday Alisson Becker, waxaana uu ciyaaray dhamaan afartii kulan ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee uu dalkiisu dheelay.

30 jirkan ayaa xilli-ciyaareedkan seegay hal kulan oo Premier League ah oo kursiga kaydka uu dhigay tababare Pep Guardiola ciyaartii Brighton, taas oo sababta lagu sheegay in uu soo galay safar dheer oo uu kaga yimid dalkiisa Brazil oo uu usoo ciyaaray bishii hore.

Manchester City oo ay kulamo adag kusoo aaddan yihiin, ayaa marka laga soo nqodo kulamada caalamiga ah, waxa ay waajihi doonaan Liverpool, Tottenham iyo Aston Villa oo iskugu xigi doona, waxaana haddii uu Ederson maqnaado ay dhibaato ku tahay tababare Pep Guardiola oo aan kalsooni badan ku qabin goolhayaha reer Germany ee Stefan Ortega.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*