Trent Alexander-Arnold Oo Qirtay Inuu Ku Daydo Xiddig Ka Tirsan Manchester City Oo Ay Xafiiltamaan


Difaaca kooxda kubadda cagta Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa qirtay inuu doonayo inuu ku daydo qaab-ciyaareedka xiddig ka tirsan Manchester City oo ay sidoo kalena u wada ciyaaraan xulka qaranka England, kaas oo isbeddel ku sameeyey booska uu ka ciyaaro iyo qaabkiisaba.

Trent Alexander-Arnold oo ah kabtan ku-xigeenka Liverpool, ayaa waxa uu caadiyan ahaa difaac midig oo weerarka ka qayb-qaata, laakiin qaybta dambe ee xilli-ciyaareedkii 2022/23, ayaa waxa loo riixay khadka dhexe oo uumarar badan ka ciyaaray.

Isbeddelka boos iyo taatiko ee Trent Alexander-ArnoldĀ  ayaa waxa ka helay Jurgen Klopp, iyadoo laacibkanna uu bandhig ciyaareed heersare ah samaynayo xilli-ciyaareedkan.

Alexander-Arnold oo la hadlay warbaahinta ka hor ciyaaraha isreeb-reebka Euro 2024 ee xulka qarankiisa England uu la dheelayo Malta iyo Northe Macedonia ayaa waxa uu sheegay inuu daawado oo uu doonayo inuu ku daydo John Stones oo Manchester City khadka dhexe uga ciyaara hadda, halkii uu hore ugaga dheeli jiray difaaca dhexe.

“Waxa aan ku raaxaystaa in aan daawado marka uu ciyaarayo Stones. Waan daawadaa wax kasta, ciyaartoy kasta, qaababka kala duwan, kooxo kala duwan, sida ciyaartoydu u dheelaan, waxaana jira ciyaartooyo si fiican u dheela.” Ayuu yidhi Alexander-Arnold.

Waxa uu intaa ku daray: “Waxay ila tahay, in qofka ikhtiraaca ciyaar cusub ee isbeddel ku sameeya booskii uu ka ciyaarayay, in aanan garanayn waxa ay dadku ugu yeedhaan maalmahan, balse waxa tusaale cad u ah John Stones.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*