Waa Kuma Tababaraha Cusub Ee Maanta Loo Magacaabay Napoli?


Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Napoli, Aurelio De Laurentiis ayaa ku dhawaaqay tababaraha cusub ee kooxdiisa hoggaamin doona, waana Walter Mazzarri  oo beddelay Rudi Garcia oo shaqada laga caydhiyey.

Napoli ayaa eriday tababare Garcia oo xilli-ciyaareedkan si xun ku bilowday, iyagoo 16 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo ay dheeleen laga badiyey afar ciyaarood, afar kalena barbarro galay, halka ay siddeed guuleysteen. Ciyaartii ugu dambaysay ee Axaddii, waxa 1-0 ku garaacday Empoli, taas oo keentay in shaqadiisa uu waayo Garcia oo afar bilood oo kaliya xilka hayay.

Napoli ayaa in muddo ah raadinaysay beddelka tababare Garcia, waxaana ay bilowgii wada-hadallo kula jireen Igor Tudor, hase yeeshee mar dambe ayay fikraddooda beddeleen, waxaanay uga leexdeen Walter Mazzarri  oo goordhoweyd lagu dhawaaqay.

Walter Mazzarri oo u dhashay waddanka Talyaaniga, waa 62 jir muddo afar sannadood ah soo layliyey Napoli intii u dhaxaysay 2009 illaa 2013, waxaana laga saxeexayaa heshiis toddoba bilood ah oo noqonaysa inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*