Iska Illow Son, Eriksen, Bellingham, Sterling & Ronaldo: Harry Kane Oo Magacaabay Xiddiga Kaliya Ee Uu Jecel Yahay In Bayern Munich La Saxeexato Si Uu Uga Garab Ciyaaro


Weeraryahanka reer Egland ee Harry Kane ayaa doortay ciyaartoyga uu jeclaan lahaa in Bayern Munich ay ku midoobaan oo uu ka garab ciyaaro, kaddib markii uu noqday rikoodh jabiyaha Allianz Arena iyo horyaalka Bundesliga.

30 jirkan reer England ayaa ka garab ciyaaray xiddigo waaweyn intii uu ku jiray kubadda cagta, sida Son Heung-min, Christian Eriksen, Kyle Walker, Dele Alli iyo Gareth Bale oo ay u wada dheeleen Tottenham, Wayne Rooney, Jude Bellingham, Raheem Sterling iyo kuwo kale oo ay u wada ciyaareen xulka England.

Waxa kale oo ay Bayern Munich ku midoobeen xiddigo waaweyn oo ay hadda iska garab ciyaaraan sida Manuel Neuer, Joshua Kimmich, Alphonso Davies, Thomas Muller iyo Jamal Musiala, hase yeeshee waxa jira hal ciyaartoy oo uu jeclaan lahaa in mar ay wadaagaan qolka labbiska.

Harry Kane oo waraysi siiyey telefishanka ESPN ee waddanka Maraykanka, ayaa la weydiiyey ciyaartoyga uu jeclaan lahaa inuu la wadaago qolka labbiska, waxaana uu ku jawaabay: “Waxa aan jeclaan lahaa in aan ka garab ciyaaro Lionel Messi. Waxa uu ka mid yahay ciyaartoydii ugu wanaagsanaa ee abid kubadda cagta ciyaarta.

“Waxa aan hubaa, in uu iga caawin lahaa in aan goolal dhaliyo.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*