Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa heshay fursad weyn oo ay kula saxeexan karayso xiddig ay xisaabteeda ku darsata Newcastle United, balse ay Gunners uga dhowdahay inay afduubato bisha January, kaas oo uu tababare Mikel Arteta doonayo inuu ku xoojiyo safkiisa.
Gunners ayaa waxay doonaysaa khad dhexe oo u buuxiya booska xiddiga ay dhaawacyadu ragaadiyeen ee Thomas Partey, si ay ugu guuleysan karaan horyaalka Premier League. Laakiin Newcastle United oo muddo toban bilood ah laga ganaaxay Sandro Tonali ayaa waxa ay iyaduna ciyaartoygan ku darsatay xisaabteeda, si ay ugu tartanto kaalmaha sare.
Kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa toddobaadka soo socda, waxa ay yeelan doonaan kulan cod loogu qaadayo haddii kooxaha loo ogolaanayo in ay naadiyada kale ee ay mulkiileyaashoodu leeyihiin ay ciyaartooyo kasoo qaadan karayaan, waxaana la filayaa in kooxuhu ay kasoo horjeedsan doonaan.
Arrintan ayaa waxa Newcastle United ak hor joogsan doontaa in ay la saxeexato Ruben Neves oo u ciyaara Al-Hilal maadaama ay labadan kooxoodba hoos tagaan shirkadda Public Investment Fund ee waddanka Sucuudiga.
Arsenal ayaa fursad fiican ay u tahay arrintani, waxaana ay isku dayi doonaan in 26 jirkan ay dib uga soo celiyaan horyaalka Sucuudiga, iyaga oo markii horeba doonayay inay la saxeexdaan ka hor intii aanay Al-Hilal kula wareegin £47 milyan oo Gini.
Be the first to comment