Jurgen Klopp Oo Ka Farxiyey Taageereyaasha Liverpool Ka Hor Kulanka Tottenham


Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa war farxadleh la wadaagay jamaahiirtiisa ka hor kulanka adag ee Sabtida ay martida ugu noqonayaan, waxaana uu jurgen Klopp xaqiijiyey in kooxdiisu ka nafistay dhaawacyadii oo ay usoo noqdeen ciyaartooyo muhiim ah.

Liverpool ayaa u safraysa woqooyita London oo ay fiidka Sabtida kula soo ciyaari doonto Tottenham kulan aad loo sugayo oo kusoo beegmaya waqti ay labada kooxoodba ku jiraan marxalad fiican.

Labada kooxood midkoodna lagama badinin lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada, waxaana laba dhibcood sarraysa Reds oo kaalinta labaad ku jirta.

Tababare Jurgen Klopp oo saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyey in ay kooxdiisu ka nafistay dhaawacyadii oo uu dib ugu soo noqday Trent Alexander-Arnold oo garoomada ka maqnaa tan iyo ciyaartii Aston Villa ee horraantii bishan oo uu dhaawac soo gaadhay.

“Trent shalay si caadi ah ayuu tababarka u qaatay, maantana taam ayuu ahaa, laakiin annaga ayaa go’aan ka gaadhi doona inuu kusoo bilaaanayo.” Ayuu yidhi Jurgen Klopp.

Waxa uu intaa ku daray: “Anigu ma ihi dhakhtar, balse waan kusoo dari doonaa liiska kooxda ciyaaraysa.”

Laba ciyaartoy oo kaliya ayaa ka maqan Liverpool waana Thiago Alcantara iyo Conor Bradley, waxaana Klop oo ka hadlay uu yidhi: “Thiago iyo Conor wali way maqan yihiin. Stefan Bajcetic ayaa isagana juf yar oo kuraanta ah ay soo gaadhay, qof kastaana waxa uu doonayaa in uu arko isaga oo ciyaaraya, laakiin waxa aanu samayn doonaa taxadar, sababtoo ah muddo lix bilood ah ayuu maqnaa.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*