YAAB: Arsenal Oo Dalbatay In Lagu Wareejiyo Koobkii Champions League Ee 2006 Ay Ku Guuleysatay Barcelona


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayay taageereyaasheedu ka dalbadeen UEFA, in ay lagu wareejiyo koobkii Champions League ee sannadkii 2006 ay ku guuleysatay Barcelona, kaddib markii kooxda reer Spain lagu helay in ay lacago laaluush ah siisay garsooreyaal.

Finalkii Champions League ee Paris ee 2006, Barcelona ayaa ku badisay 2-1 ku badisay iyadoo Arsenal goolka la hormarta oo uu qaybtii hore hogaanka u dhiibay Sol Campbell, hase yeeshee Jens Lehmann ayaa casaan lagaga saaray Arsenal, kaddib markii uu bannaanka xerada ganaaxa qalad ku galay Samuel Eto’o.

Kooxdii tababare Frank Rijkaard ayaa waxa labada gool u dhaliyey Samuel Eto’o iyo Juliano Belletti oo goolkiisu uu yimid waqti dambe, waxaanay sidaas koobka kaga qaadeen Arsenal iyadoo sidaas ay ku burburtay riyadii Arsene Wenger ee ahayd in Gunners uu u qaado Champions League.

Arsenal oo aan waligeed ku guuleysanin tartamada Yurub, waxay hadda doonaysaa in lagu wareejiyo koobka ay 17 sannadood ka hor kaga guuleysatay Barcelona, sababtoo ah warkii shalay soo baxay ee ahaa in kooxda reer Spain lagu helay in ay lacago siinaysay xidhiidhka garsoorka Spain muddo 17 sannadood ah.

Madaxweyne ku-xigeenkii xidhiidhka garsoorka Spain ee Jose Maria Enrique ayaa la sheegay in Barcelona ay siisay lacag ka badan £7.5 milyan oo Gini intii u dhaxaysay 2001 illaa 2018, waana sababta ay Arsenal u rumaysan tahay in musuqmaasuq uu soo geli karayo finalkii 2006.

Madaxweyneyaashii hore ee Barcelona ee Josep Maria Bartomeu iyo Sandro Rosell ayaa maxkamad loosoo taagi doonaa arrintan, inkasta oo labadooduba ay dafireen in ay wax qalad ah sameeyeen. Sidoo kale, Joan Laporta ayaa arrintan diiday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*