DEG-DEG: Lisandro Martinez Oo Muddo Ka Maqnaanaya Garoomada Iyo Sergio Reguilon Oo Laga Saaray Liiska Manchester United


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaqiijiyey in uu dhaawacmay difaaca reer Argentina ee Lisandro Martinez oo uu muddo ka maqnaan doono garoomada, sidoo kalena waxa liiska kooxdaas ee maanta laga saaray difaaca bidix ee reer Spain ee Sergio Reguilon.

Labadan ciyaartoyba waxa la saaray liiska kooxda ee xisaabta kulamada soo socda, balse Reguilon ayaa la filayaa in kaliya kulanka Palace ee Sabtida uu ka maqnaado.

Erik ten Hag ayaa ku qasbanaan doona in ciyaartii labaad oo xidhiidh ah uu difaaca bidix ka ciyaarsiiyo laacibka ay amaahda kaga soio qaateen Fiorentina ee Sofyan Amrabat in uu ka ciyaaro difaaca bidix, maadaama ay sidoo kale maqan yihiin Luke Shaw, Tyrell Malacia iyo Aaron Wan-Bissaka.

Waxa kale oo ay albaabadu u furan yihiin Harry Maguire iyo Jonny Evans oo heli doona fursado, maadaama waqtiga uu maqnaanayo Lisandro Martinez lagu sheegay in ay tahay waqti dheer oo aan la xaqiijin karin illaa hadda.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Martinez uu jiifi doono muddo toddobaadyo ah, haddiiba aanay noqonin bilooyin.

War-saxaafadeed ay Manchester United soo saartay ayaa lagu sheegay, in Martinez oo muujiyey geesnimo kulamadii Brighton iyo Bayern Munich, in uu awoodi waayey in uu sii ciyaaro kulamadii Burnley iyo Crystal Palace ee guulaha ahaa, isla markaana uu hadda bilaabayo inuu kasoo kabto dhaawaca iyadoo ay la soconayaan dhakhaatiirtu.

Waxa kale oo ay kooxdu ka dabatay taageereyaasheeda in ay usoo duceeyaan Lisandro Martinez oo waqti adag ku jira, hase yeeshee Sergio Requilon oo aan wali kasoo kabanin dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Burnley oo tababarkii Khamiistii lagu arkay ayaa isaguna awoodi waayey in uu taam u noqdo kulanka Sabtida ee Crystal Palace.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*