Saadaasha Paul Merson Ee Kulamada Premier League Ee Toddobaadkan – Muxuu Ka Yidhi Tottenham vs Liverpool, Man United vs Crystal Palace & Arsenal vs Bournemouth?


Khabiirka ciyaaraha Paul Merson ayaa soo saaray saadaashiisa horyaalka Premier League ee usbuuca toddobaad, waxaana uu sii kala saaray Liverpool iyo Tottenham oo ah ciyaarta ugu weyn ee toddobaadkan dhacaysa.

Jurgen Klopp ayay kooxdiisu booqanaysaa Tottenham Hotspur Stadium, waxaanay lasoo noqon doonaan hal dhibci ah, taas oo haddii ay run noqoto ka dhignaanaysa in Reds ay guul-darro la’aan tahay xilli-ciyaareedka illaa hadda iyaga oo sidaas ay ugu buuxsamayaan toddoba kulan oo Premier League, hal Champions League iyo hal Carabao Cup.

“Liverpool waa in ay joojiso kubbadaha sida fudud goolkeeda ku tegaya, marar badan ayay dhacday xilli-ciyaareedkan oo goolal lagala hormaray.’ Ayuu yidhi Paul Merson, waxaanu intaa ku daray: “Qalad ha iga fahminaya, waxay sameeyeen soo laabashooyin cajiib ah iyo guulo illaa hadda, laakiin ma hubo in ay sidaa samayn kari doonaan kulanka Tottenham ama kooxaha waaweyn ee sare.”

Paul Merson waxa uu amaanay Tottenham, gaar ahaan sidii ay ula ciyaartay Arsenal toddobaadkan horraantiisii oo ay barbarro 2-2 ah ku kala baxeen, balse ciyaartoyda labada kooxood ayaa uu sidoo kale kasoo xushay oo uu ammaanay Domink Szoboslai iyo James Maddison.

Khabiirka ciyaaruhu waxa uu guulo ugu bushaareeyey Manchester United oo uu u sheegay in isla natiijada kulankii Salaasadii oo kale ay ka keeni doonaan Crystal Palace, sidoo kalena Man City iyo Newcastle ay geysan doonaan xasuuqyo, halka Arsenal ay kusoo laaban doonto tubta guusha, laakiin ay murugo saarnaan doonto Chelsea oo barbarro la geli doonta Fulham.

Halkan kaga bogo saadaasha Paul Merson oo dhamaystiran

Aston Vila 2-2 Brighton

Manchester United 3-0 Crystal Palace

Newcastle United 3-0 Burnley

Wolves 1-3 Manchester City

Bournemouth 0-2 Arsenal

West Ham 3-0 Sheffield United

Everton 3-0 Luton Town

Tottenham 2-2 Liverpool

Nottingham Forest 1-1 Brentford

Fulham 0-1 Chelsea

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*