RASMI: Xiddigaha Real Madrid Ee Kulanka Mucjisada LaLiga Oo Lagu Dhawaaqay


Kooxda kubadda cagta Real Madrid waxa u yaalla imtixaan adag toddobaadkan waxaanay waajahaysaa naadiga lagu tilmaamay mucjisada horyaalka LaLiga ee sannadkan ee aan marka kaliya laga badinin ee ku raaxaysanaya hoggaanka.

Los Blancos oo ay dhaawacyo ragaadiyeen, ayaa waxay u yeedhatay da’yarka Alvaro Corrillo oo geli doona booska uu ka dhaawacmay David Alaba, inkasta oo kaliya kaydka uu kusoo bilaaban karo.

Carlo Ancelotti oo saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyey, in uu dib usoo laabtay oo uu taam yahay Antonio Rudiger oo isaguna ku dhaawacmay kulankii Las Palmas, halka uu rajeeyey in Alaba uu dib ugu soo laaban doono kooxdiisa usbuuca dambe.

Garoonka Montilivi ayaa Real Madrid ay marti ugu noqonaysaa kooxda la loodin la’yahay ee Girona, iyadoo sidoo kalena ay maqaneyaal yihiin Eder Militao oo dhawr bilood jiifaya iyo Thibaut Courtois oo xilli-ciyaareedka oo dhan maqnaanaya.

Waxa kale oo Real Madrid ka maqan Arda Guler oo dib ugu laabtay dhaawac uu hore uga soo kabtay, waxaase uu Ancelotti sheegay in ay filayaan in uu qayb ka noqon doono liiska ciyaartoydiisa kulanka Champions League ee Napoli ay ku booqanayaan garoonka Diego Maradona Stadium usbuuca foodda inagu soo haya.

Liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Girona oo dhamaystiran

Goolhayeyaal:  Lunin, Kepa iyo Diego Piñeiro.

Difaacyahanno:  Carvajal, Nacho, Lucas Vázquez, Fran García, Rüdiger, Mendy iyo Carrillo.

Khadka Dhexe:  Bellingham, Kroos, Modric, Camavinga, Valverde, Tchouameni iyo Ceballos.

Weeraryahanno:  Vinicius, Rodrygo, Joselu iyo Brahim.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*