Diego Simeone Oo Magacaabay SADDEXDA Tababare Ee Uu Doonayo Inay Ka Dhaxlaan Atletico Madrid


Tababaraha kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa shaaciyey magacyada saddex tababare oo uu doonayo inay ka beddelaan kooxdiisa Atletico Madrid, marka uu go’aansado inuu ka tago, iyadoo la sheegayo in uu heshiis cusub oo dhawr sannadood ah u saxeexayo Wanda Metropolitano.

Diego Simeone ayaa waraysi uu siiyey idaacadda Cadena SER waxa lagu weydiiyey su’aalo adag, waxaana ku jiray tababaraha uu doonayo inuu ka dhaxlo Atletico Madrid oo uu u kala doortay Jurgen Klopp, Carlo Ancelotti iyo Mauricio Pochettino.

Isaga oio ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey tababaraha uu jeclaan lahaa inuu ku wareejiyo Atletico, ayaa waxa uu Diego Simeone yidhi: “Kuwa ugu wanaagsan waa Klopp, Ancelotti, Pohettino… Waa tababareyaasha aan jeclaan lahaa inay layliyaan Atletico.

“Laakiin anigu waxa aan xidhiidh fiican la leeyahay Carlo Ancelotti. Ma nihin saaxiibbo, laakiin waxa aanu leenahay xidhiidh wanaagsan oo is-qaddarin ah. Isaga ayaanan jeclaan lahaa.”

Diego Simeone waxa kale oo uu ammaan kula dul-dhacay Mauricio Pochettino oo ay Argentina u wada dhasheen iyo Jurgen Klopp oo sannadkii 2020 ay ku xafiiltameen tartanka Chamions League.

Waxa kale oo la weydiiyey su’aal uu ku margaday oo ahayd ciyaartoygii ugu fiicnaa ee uu tababare usoo noqday, waxaana uu ku jawaabay: “Waa caddaalad-darro in aan kala doorto, haddase Griezmann ayaa ah kan ugu fiican oo bandhig heersare ah samaynaya.”

Su’aal kale oo xaasaasi ahayd oo la weydiiyey Diego Simeone ayaa waxa ay ahayd inuu magacaabo ciyaartoyga uu jeclaan lahaa in uu kooxdiisa ku haysto Messi iyo Ronaldo, waxaana uu ku jawaabay: “Messi iyo Ronaldo waa kuwa ugu fiican, aniguna waan jeclaan lahaa sida uu qof kastaa u jeclaan lahaa inuu haysto. Waxay ila tahay in aanay dood badan u baahnayn.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*