DEG-DEG: Xulka Qaranka England Oo Xaalad Qas Ah Ku Jira, Rashford iyo Phillips Oo Laga Waayey & Bellingham Oo La Fasaxay


Marcus Rashford iyo Kalvin Phillips ayaan illaa hadda iska soo xaadirin xulka qaranka England oo ka habsaamay waqtigii ay ahayd inay yimaaddaan, si ay qayb uga noqdaan tababarka ay iskugu diyaarinayaan ciyaarta Jimcaha ay garoonka Wembley ku qaabbilayaan Malta ee isreeb-reebka Euro 2024.

Labadan ciyaartoy ayaa la sheegay inay arrimo shaqsi ah oo iyaga u gaar ah uga maqan yihiin xulka qaranka iyadoo uu tababare Gareth Southgate ku xisaabtamayo oo uu ku darsaday liiskiisa.

England oo sidoo kale la ciyaari doonta North Macedonia maalinta Isniinta, ayaa waxa la sheegay, in Rashford iyo Phillips ay waqti dambe kusoo biiri doonaan xulka, laakiin waxa laga fasaxay xiddiga Real Madrid ee Jude Bellingham iyo Levi Colwill oo dhaawacyo ah.

Gareth Southgate oo hore u magacaabay 26 ciyaartoy oo garoonka St George’s Park ku samaynaya tababarka, ayaa waxa ay dhakhaatiirta Ingiriisku baadhitaanno ku sameeyeen dhaawaca Jude Bellingham oo garabka ah oo ay Real Madrid hore u xaqiijisay inuu muddo laba toddobaad ah garoomada ka maqnaan dooo, isaga oo horena u seegay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey kooxdiisa.

Waxa kale oo ay dhakhaatiirtu hubin ku sameeyeen xiddiga Chelsea ee Levi Colwill oo isaguna ka maqnaa ciyaartii Manchester City ay la galeen barbarraha 4-4 toddobaadkan, waxaana isaguna uu ka cabanayaa garabka.

Xulka England ayaa waxa hore looga saaray James Maddison, Lewis Dunk iyo Callum Wilson oo dhaawacyo ku seegaya ciyaaraha Malta iyo North Macedonia, waxaana boosaskooda lagu soo beddelay Cole Palmer, Ezri Konsa iyo Rico Lewis.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*