Kabtanka kooxda kubadda cagta Arsenal ee Martin Odegaard waxa uu ka maqnaa labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee kooxdiisa ee Newcastle United iyo Sevilla, waxaana hadda la shaaciyey sababta keentay maqnaanshaha laacibkan oo ay qayb ka tahay fal ka dhacay xerada tababarka ee kooxdiisa.
Arsenal ayaa laga badiyey ciyaartii Newcastle United, balse waxa ay tubta guusha kusoo laabteen kulankii Sevilla oo ay libin raaxo leh soo hooyeen.
Kabtanka Arsenal ayaa waxa uu labadan ciyaaroodba u maqnaa fal ka dhacay garoonka tababarka oo sababay inuu miyir beelo oo uu dhulka ku dhaco, taas oo keentay in dhakhaatiirtu ay gurmad u fidiyaan.
Sida uu ogaaday wargeyska Daily Mail, Martin Odegaard oo ku sugan garoonka tababarka London Colney, ayaa waxa madaxa kaga dhacday kubbad xooggan oo sababay in uu dawakho oo uu dhulka ku dhaco, kaddibna miyir beelo.
Ka hor intii aanay kubaddu ku dhicinna waxa uga horreeyey jug kasoo gaadhay muruqa dambe ee kubka oo isagana uu ka cabanayay, balse ay xaaladdiisa sii murgisay kubadda ku dhacday.
Isaga oo miyir-beel ah ayaa la sheegay in garoonka tababarka laga saaray, kaddibna waxa laga saaray liiska ciyaartoyda Arsenal ee kulamadii Newcastle United iyo Sevilla.
Sharciga kubadda cagta ayaa dhigaya, in ciyaartoyga miyir-beel ku noqda garoonka tababarka ama ciyaar socota, aanu dheeli karin ugu yaraan lix maalmood, isla markaana lagu sameeyo baadhitaanno badan oo lagu hubinayo caafimaadkooda.
Waxa kale oo xaaladda Odegaard shaki gelinaysa, in laga saaray liiska ciyaartoyda xulka qarankiisa Norway ee kulanka saaxiibtinimo ee Faroe Islands iyo ciyaarta muhiimka ah ee isreeb-reebka Euro 2024 ee Scotland ee toddobaadka dambe.
Odegaard oo saddex sannadood laga joogo markii ay Arsenal amaahda kagala soo wareegtay Real Madrid January 2021, kaddibna ay si rasmi ah ula saxeexatay xagaagii xigay, ayaa waxa uu illaa hadda u saftay 120 ciyaarood oo uu u dhaliyey 29 gool.
Ciyaarta soo socota, waxay Arsenal oo kaalinta saddexaad kaga jirta horyaalka Premier League ay u tegi doontaa Brentford, kaddibna waxay waajihi doonaan Lens oo ay tartanka Champions League isku group yihiin, ka hor inta aanay qaabbilin Wolves.
Be the first to comment