Newcastle, Chelsea, Bayern Munich Iyo Kulamada Muhiimka Ah Ee Ay Dhaawaca Kaga Maqnaanayaan Eriksen Iyo Hojlund


Xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen ayaa muddo bil ah ka maqnaan doona garoomada, kaddib dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Luton Town ee horyaalka Premier League ee Sabtidii, waxaana uu liiska maqaneyaasha kula biirayaa Lisandro Martinez, Luke Shaw, Casemiro, Jonny Evans, Tyrell Malacia, Amad Diallo iyo Aaron Wan-Bissaka.

Warbixin ay Manchester United kasoo saartay dhaawaca Eriksen ayaa waxa lagu sheegay in uu jilibka ka dhaawacan yahay oo uu muddo bil ah jiifi doono, iyadoo hore ay kooxda toban ciyaartoy uga maqnaayeen.

Dhaawaca Eriksen ayaa waxa uu ka dhigan yahay in Erik ten Hag aanu ku xisaabtami doonin illaa laga gaadhayo badhtamaha bisha December, taas oo ka dhigan inuu seegi doono ciyaaro badan oo muhiim ah.

Manchester United ayaa waxa kale oo ay illaa dhamaadka bishan November ay waayi doonaa weeraryahanka reer Denmark ee Rasmus Hojlund oo isagana uu soo gaadhay dhaawac muruqa ah ciyaartii Luton Town.

Rasmus Hojlund iyo Eriksen ayaa laga saaray xulka qaranka dalkooda Denmark ee kulamada isreeb-reebka Euro 2024 ee dhamaadka usbuucan iyo toddobaadka dambe,

Erik ten Hag ayaa ku ducaysanaya in Christian Eriksen uu soo laabto ka hor ciyaarta Liverpool ee December 17, laakiin waxa uu ka maqnaan doonaa ciyaaraha adag ee Everton, Newcastle, Chelsea iyo Bournemouth oo dhamaantood horyaalka Premier League ah iyo ciyaaraha Champions League ee Galatasaray iyo Bayern Munich.

Hojlund ayaa kasoo horreyn doona Christian Eriksen, waxaana la sheegay in uu taam u noqon doono ciyaarta Goodison Park ay kooxdiisu ku booqan doonto Everton November 26, iyagoo saddex maalmodo kaddibna waajihi doona Galatasaray kulan haddii laga badiyo ay ka hadhi doonaan tartanka Champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*