Manchester United Oo Lagu Wargeliyey LABA Dhaawac Oo Kale Oo Ay Xaaladdoodu Liidato


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa heshay war ka nixiyey oo u sheegaya in ay ka dhaawacan yihiin laba ciyaartoy oo xaaladdoodu ka xun tahay sidii ay filayeen, kuwaas oo ay dhakhaatiirta waddamadoodu amreen in laga saaro liiska xulalkooda kulamada isreeb-reebka Euro 2024.

Manchester United oo ay ka dhaawacan yihiin dersin ciyaartooyo ah, ayaa waxa xaaladdoodu ay sii xumaatay toddobaadkan markii ay guul cidhiidhi ah oo 1-0 ah ka gaadheen Luton Town oo marti ugu ahayd Old Trafford, taas oo ay ku waayeen Christian Eriksen oo qaybtii hore dhaawac jilibka ah ku baxay iyo Rasmus Hojlund oo muruqa bowdada ee dambe dhaawac kasoo gaadhay, garoonkana laga saaray qaybtii dambe.

Ciyaartan oo goolka madiga ah ee guusha uu Manchester United u dhaliyey Victor Lindelof, waxa maanta lagu wargeliyey tababare Erik ten Hag in uu muddo waayi doono labada ciyaartoy ee uu dhaawacu soo gaadhay.

Rasmus Hojlund ayaa dhakhaatiirta xulka qaranka Denmark ay go’aamiyeen in labadoodaba laga saaro xulka kulamada isreeb-reebka Euro 2024 ee Slovenia iyo North Macedonia.

War-saxaafadeed lagu baahiyey barta Twitter-ka ee xulka Denmark ayaa waxa lagu sheegay, in Rasmus Hojlund iyo Christian Eriksen uu dhaawacoodu daran yahay oo aanay awoodi karaynin inay u ciyaaraan xulkooda, waxaana boosaskooda lagu beddelay Jesper Lindstrom oo Newcastle u ciyaara iyo Jens Stryger Larsen oo u dheela kooxda reer Turkey ee Trabzonspor.

Manchester United oo hore u sheegtay in 24 saacadood gudahood ay dhakhaatiirta kooxdu ay war kaga soo saari doonaan dhaawacyada labadan ciyaartoy ayaan wali shaacin heerka uu gaadhsiisan yahay dhaawacoodu, balse in laga saaray xulka qaranka Denmark ayaa waxay muujinaysaa in aaladdu ay adag tahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*