Waa Kuma Trey Nyoni? 16 Jirka Liverpool Ee Kusoo Bilowday Kursiga Kaydka Ciyaartii Brentford


Jurgen Klopp ayaa kooxda da’yarta Liverpool uga yeedhay Trey Nyoni  oo kursiga kaydka fadhiyey ciyaartii Brentford ee Axaddii, waxaana si weyn ay taageereyaashu isku weydiinayeen qofka uu yahay wiilkan yar ee carruurta ah ee uu Klopp ku aaminay inuu ugu yeedho kooxdiisa.

Trey Nyoni oo ay da’diisu tahay 16 jir, waxa go’aanka loogu yeedhay ee kooxda koowaad uu kaga mid noqday gaadhay tababare Jurgen Klopp, sababtoo ah waxa uu ku arkay kooxda da’yarta oo uu wacdaro ka dhigay.

Bishii September ayay Liverpool la saxeexatay Trey Nyoni  oo ay kala soo wareegtay Leicester City oo heerka labaad u dhaadhacday, waxaana lagu tilmaamay ciyaartoy hibadiisu sarrayso oo qaadi doona dariiqa Trent Alexander-Arnold, Curtis Jones, Harvey Elliott iyo kuwo kale oo kooxda koowaad usoo dallacay markii lagu barbaariyey kulliyadda Kirkby ee Liverpool.

Sida ku qoran website-ka Liveprool, Trey Nyoni oo ay da’diisu tahay 16 jir, waa kubbad-sameeye awood u leh inuu goolal dhaliyo, waxaana uu sidoo kale ka shaqeeyaa khadka dhexe oo dhawr meelood ah.

Tobankii sannadood ee ugu dambeeyey oo uu ku jiray kulliyadda da’yarta Leicester City, waxa uu muujiyey inuu leeyahay hibo ciyaareed oo cajiib ah, waxaana uu mar horeba ka mid noqday xulka qaranka England ee 16-jirrada. Sidoo kale, kooxda 18-jirrada Liverpool ayuu si joogto ah ugu ciyaarayay xilli-ciyaareedkan socda.

Horraantii bishan, ayay Liverpool go’aamisay inay usoo dallacsiiyo kooxda 21-jirrada oo uu 81 daqiiqadood u ciyaaray kulan ay guul-darraysteen oo ay Barrow oo heerka labaad ahi kaga adkaatay 2-1.

Xilli-ciyaareedkan socda, Nyoni waxa uu dhaliyey saddex gool iyo laba uu caawiye uga noqday kooxda 18-jirrada Liverpool oo horyaalka Premier League 2 uu u dheelay, waxaanay taasi keentay inuu soo jiito indhaha tababare Jurgen Klopp.

June 2007 ayuu dhashay Trey Nyoni, waana maalin kaddib markii ay AC Milan ku garaacday Liverpool finalkii Champions League ee Athens.

Ka hor intii aan loogu yeedhin ciyaartii Brentford, Trey Nyoni  ayaa waxa uu tababarka la qaatay kooxda koowaad toddobaadkii hore oo ay isku diyaarinayeen ciyaartii guul-darrada Euroa League ee Toulouse, laakiin waxa laga reebay liiska sababtoo ah waxa u diidaya sharciga UEFA maadaama muddada uu kooxda joogay aanay laba sannadood gaadhin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*