Xulka qaranka England ayaa isbeddel lagu sameeyey, waxaana loogu yeedhay saddex ciyaartoy oo aan waligood u safanin oo uu ku jiro xiddigii Chelsea ee xalay rikoodhaha ku niyad-jabiyey Manchester City ee Cole Palmer, kaas oo uu tababare Gareth Southgate xagga dambe kaa soo daray liiska ciyaartoyda xulka qaranka Ingiriiska.
Dhaawacyo soo gaadhay saddex ciyaartoy, ayaa sababay in Gareth Southgate uu isbeddel ku sameeyo liiska xulka qaranka England, sidoo kalena waxa la filayaa in isbeddel kale oo afraad uu yimaaddo maadaama Jude Bellingham oo dhaawac ah aan wali laga saarin liiska.
Xulka England ee lagu naanayso Three Lions, ayaa waxa ay kulamada ugu dambeeya isreeb-reebka Euro 2024 ee ay mar horeba usoo baxeen, waxa ay la ciyaari doonaan Malta iyo noryh Macedonia.
Konsa oo 26 jir ah oo aan waligii u ciyaarin xulka qaranka England ayaa loo yeedhay, waxaana uu beddelayaa Lewin Dunk oo dhaawac uu kasoo gaadhay ciyaartii Brighton ay guusha kasoo gaadhay Ajax Khamiistii ee tartanka Europa League.
Cole Palmer oo Chelsea ah oo xalay dhaliyey goolkii rikoodhaha ahaa ee sababay in Chelsea ay barbarro 4-4 ah la gasho Manchester City ayaa isagana markiisii ugu horreysay loogu yeedhay xulka qaranka England, waxaana uu beddelay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Tottenham ee James Maddison oo dhaawac ah.
Waxa kale oo xulka loogu yeedhay da’yarka Manchester City khadka dhexe uga ciyaara ee Rico Lewis oo ay u tahay markiisii koowaad ee xulka Ingiriiska uu u ciyaaro inkasta oo uu xulka da’yarta hore ugu jiray, waxaana uu Lewis oo sidoo kale ka ciyaari kara booska difaaca midig, kubbad-burburin iyo garabka weerarka uu beddelay Callum Wilson oo Newcastle ah oo dhaawacmay.
Jude Bellingham oo isaguna garabka ka dhaawacan, isla markaana ay kooxdiisa Real Madrid xaqiijisay inuu laba toddobaad ka maqnaan doono garoomada, isaga oo aan labadii kulan ee ugu dambeeyey u safanin, ayaa waxa la filayaa in uu kasii mid ahaan doono xulka balse aanu ciyaari doonin, inkasta oo wararka qaarkood ay sheegayaan in laga saari doono.
Be the first to comment