Maalqabeenka reer UK ee Sir Jim Ratcliffe oo la sheegay in Isniinta uu la wareegi doono 25% saamiyada kooxda, ayaa waxa uu go’aamiyey in naadiga laga diro saddex ciyaartoy oo ku fashilmay Old Trafford, kuwaas oo ay warbaahinta Ingiriisku sheegtay in ay uga dhamaatay Red Devils.
Sir Jim Ratcliffe oo sidoo kale su’aal ka keenay sababta ay kooxdu guulo u gaadhi weyday iyadoo £1.4 bilyan oo Gini ku kharash gareeyey ciyaartooyo cusub intii uu ka fadhiistay tababare Sir Alex Ferguson toban sannadood ka hor, ayaa waxa uu door weyn ku yeelanayaa go’aamada kooxda.
Xiddiga reer Brazil ee Antony oo ay Manchester United kaga soo iibsatay Ajax lacag dhan £85.5 milyan oo Gini, ayaa ka mid noqday liiska ciyaartoyda ay kooxdu suuqa dhigayso bisha January, waxaana garabka weerarka Brazil wehelin doona laba ciyaartoy oo kale.
Sida uu qoray wargeyska The Sun, Antony oo laba gool oo kaliya u dhaliyey Manchester United 16 kulan oo uu saftay, ayaa waxa kale oo ciyaartoyda baxaysa bisha January ku wehelinaysa Jadon Sancho oo ay garoomada ugu dambaysay ka hor ciyaartii Arsenal ee bishii September oo laga saaray liiska xulka qaranka, iyadoo uu beenaale ku tilmaamay Erik ten Hag.
Ciyaartoyga saddexaad ee Manchester United ay ka dirayso Old Trafford, ayaa ah weeraryahanka reer France ee Anthony Martial oo 14 ciyaarood oo uu saftay u dhaliyey hal gool oo kaliya xilli-ciyaareedkan.
Be the first to comment