DEG-DEG: Xidhiidhka FA Oo Go’aan Ka Gaadhay Ganaaxa Raheem Sterling Oo Dembi Culus Loo Haysto


Xidhiidhka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee FA ayaa go’aan ka gaadhay xiddiga Chelsea ee Raheem Sterling oo lagu eedeeyey in uu walax ku tuuray taageereyaasha Tottenham, kulankii ay Isniintii sida xun u garaaceen Spurs.

Raheem Sterling ayaa lagu eedeeyey in uu wax ku tuuray jamaahiirta Tottenham isaga oo u dabbaal-degaya guushii 4-1 ahayd ee ay garoonka Tottenham Hotspur Stadium kaga soo gaadheen Blues.

Sterling ayaa waxa uu dhulka ka qaaday walax lagu soo tuuray ciyaartoyda kooxdiisa oo u dabbaal-degay rikoodhe uu u dhaliyey Palmer, waxaana uu dib ugu celiyey oo uu isaguna ku tuuray taageereyaasha Tottenham ee marka hore tuuryada sameeyey.

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa baadhitaan ku sameeyey arrintan, iyaga oo dib u eegay sidii ay wax u dhaceen, waxaana ay go’aamiyeen in aan wax tallaabo ah laga qaadin Sterling.

Go’aanka xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa waxa uu soo baxay iyadoo Chelsea ay la ballansan tahay Manchester City oo ay Axadda ku ballansan yihiin Stamford Bridge, taas oo ay Blues ka walaacsanayd in laga ganaaxo Raheem Sterling.

Inkasta oo uu qaab ciyaareed fiican ku jiro, haddana tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa liiska ciyaartoydiisa kulamada isreeb-reebka Euro 2024 ee bishan November waxa uu ka saaray Raheem Sterling, waxaana warar la isla dhax-marayay ay sheegayaan in sababta uu go’aankan u qaatay Southgate ay la xidhiidho falkii uu sameeyey Sterling fiidnimadii Isniintii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*