RASMI: Xulka Qaranka Spain Ee Isreeb-reebka Euro 2024 Oo Lagu Dhawaaqay


Luis de la Fuente ayaa soo saaray liiska xulka qaranka Spain ee kulamada isreeb-reebka Euro 2024 ee bishan November oo uu dalkiisu u baahan yahay inuu guulo gaadho, si iyagoo waqti fiican ku jira ay iskugu diyaariyaan tartankan oo lagu qabanayo waddanka Jarmalka sannadka dambe ee 2024.

Tababare Luis de la Fuente ayaa ugu yeedhay xulkiisa Remiro, Riquelme, Aleix Garcia iyo Grimaldo, waxaase laga saaray xulka oo aan loogu yeedhin difaacyahannada Barcelona ee Aymeric Laporte iyo Alejandro Balde.

Luis de la Fuente oo ka hadlay sababta uu go’aankan u qaatay ayaa yidhi: “Balde waa ciyaartoy kale oo dheeraad ah oo ay tahay inuu sii wado shaqada oo uu xirfaddiisa horumariyo maalin walba. Laporte waxa ay dhibaato ka haysataa lugta oo uu ak dhaawacan yahay, waxaananu isla qaadanay in ay u fiican tahay in uu nasto annaga oo eegayna caafimaadka ciyaartoyga.”

Xulka qaranka Spain oo Khamiista la ciyaari doona Cyprus ka hor inta aanay Axadda waajihin Georgia, waxaana wajiyada cusub ee Remiro, Grimaldo, Riquelme iyo Aleix García ka sokow aan xulka la soconin Kepa Olmo, Asensio iyo Yerey Pino.

Xulka qaranka Spain ee kulamada isreeb-reebka Euro 2024

Goolhayeyaal: Unai Simón, David Raya and Álex Remiro.

Difaacyahanno : Carvajal, Jesús Navas, Íñigo Martínez, Pau Torres, Le Normand, David García, Gayá, Grimaldo.

Khadka Dhexe : Rodrigo, Zubimendi, Gavi, Mikel Merino, Fabián Ruiz, Sancet, Rodrigo Riquelme and Aleix García.

Weerarka : Morata, Joselu, Ferran Torres, Nico Williams, Lamine Yamal and Oyarzabal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*