Saadaasha Chris Sutton Ee Kulamada Premier League Ee Usbuucan – Muxuu Ka Yidhi Chelsea vs Man City & Liverpool vs Brentford?


Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa la ciyaari doonaa kulamadii 12aad usbuucan, waxaana ballansan naadiyo waaweyn oo indhaha lagu hayo natiijada kasoo bixi doonta ciyaarahooda oo saamayn kuyeelan doona sida uu u yaallo miiska kala-sarraynta Premier League waqtigan.

Ciyaarta ugu weyn ee toddobaadkan la sugayo, waa Manchester City oo safar ugu tegi doona Chelsea oo usbuucii hore soo garaacday Tottenham oo dhinaceeda dhulka la dhigi la’aa, waxaana la is-weydiinayaa haddii ay Blues awoodi doonto inay soo afjarto guulihii Man City ay sida xidhiidhka ah ugu gaadhi jirtay Stamford Bridge.

Khabiirka ciyaaraha BBC Sports ee Chris Sutton oo saadaaliyey ciyaarta Manchester City iyo Chelsea ayaa yidhi: “Ciyaartii Tottenham, waxa aan filayay in Chelsea ay fursado badan iska lumin doonto, qof walbaana waxa uu ka hadlayay tirada goolasha ay dhalin karayaan, laakiin ciyaarta Man City waxay u baahan doonaan inay ka faa’iidaystaan fursad kasta oo ay helaan.”

Chris Sutton waxa uu sheegay, in Manchester City ay saddex dhibcood iyo laba gool oo nadiif ah ay kala soo laaban doonto safarkeeda London, taasina hoos u celin doonto Blues oo hadda madaxa lasoo kacaysay.

Waxa kale oo uu Sutton natiijo aan fiicnayn u saadaaliyey Tottenham oo hoggaanka horyaalka lumisay markii ay Chelsea garaacday Isniintii, waxaana uu u saadaaliyey in ay mar kale lumin doonaan laba dhibcood oo ay barbarro lasoo geli doonaan Wolves oo ay marti u noqonayaan Sabtida.

Laakiin Arsenal ayaa sare usoo kici doonta oo kusoo laaban doonta jidka guusha kaddib barbarrihii ay gashay toddobaadkii hore, halka Manchester United ay kusoo laaban doonto jidka guusha marka ay booqato Luton Town, waxaanay saddexdaas dhibcood woxoogaa ka dejin doonaan culayskii saarnaa Erik ten Hag oo ay FC Copenhagen 3-4 ku garaacday Arbacadii kulan ka tirsanaa tartanka Champions League.

Liverpool ayaa soo dallici doonta oo kusoo dhowaan doonta hoggaanka marka ay Axadda martigeliso Brentford, waxaana uu Chris Sutton u saadaaliyey in ay natiijo 3-1 ah ka gaadhi doonaan kooxda martida ah, sidaasna ay ugu soo laaban doonaan jidka guusha ee ay ka leexdeen Khamiistii oo ay Toulouse kaga badisay 3-2 kulan ka tirsanaa tartanka Europa League.

Saadaasha Chris Sutton ee usbuuca 12aad ee Premier League oo dhamaystiran

Sabti

Wolves 1-1 Tottenham

Arsenal 3-0 Burnley

Crystal Palace 0-0 Everton

Man United 2-1 Luton

Bournemouth 1-2 Newcastle

Axadda

Aston Villa 2-0 Fulham

Brighton 3-0 Sheffield United

Liverpool 3-1 Brentford

West Ham 2-1 Nottingham Forest

Chelsea 0-2 Manchester City

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*