Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la sheegay in ay go’aan ka gaadhay labada ciyaartoy ee reer Portugal ee ay amaahda kusoo qaadatay xagaagii ee Joao Cancelo iyo Joao Felix, kuwaas oo si fiican ku bilowday waayahooda Barca balse hadda saluug ay ka muujinayso kooxdu.
Joao Cancelo ayaa lumiyey booskiisii joogtada ahaa ee difaaca midig, waxaana saluugay tababare Xavi Hernandez oo ka biyo-diidsan in ay liidato awooddiisa difaacu, waxaana uu ka doorbidayaa in uu booskaas ka ciyaarsiiyo Ronald Araujo ama Jules Kounde.
Joao Felix oo isaguna tiir-dhexaad u noqday kooxda bilowgiiba, isla markaana dhaliyey goolal muhiim ahaa, ayaa wararka laga helayo kooxdu ay sheegayaan in Joan Laporta iyo Xavi Hernandez ay u arkaan in aanu ahayn ciyaartoy anfacaya, gaar ahaan heerka ama awooddiisa gool-dhalinta oo aan gaadhsiisnayn sidii ay rabeen.
Inkasta oo illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka ay Felix iyo Cancelo sii joogayaan kooxda, haddana Deco iyo Laporta ayaa waxa la sheegay in ay isla qaateen, in ay kooxda keenaan ciyaartooyo mustaqbalka iyo haddaba ciyaari karaya oo kusoo baxaya falsafadda naadigooda.
Warka ayaa intaa ku daray, in Barcelona ay xagaaga dib usoo ceshan doonto Ansu Fati oo ay amaah ugu direen Brighton & Hove Albion oo bandhig heersare ah ka samaynaya horyaalka Premeir League, waxaana halkii ay lacag badan ka bixin lahaayeen Joao Felix ay dib usoo ceshan doonaan Ansu Fati.
Be the first to comment