RASMI: Mohamed Salah Oo Ku Guuleystay Abaal-marinta Xiddiga Bisha Ee Premier League – Immisa Jeer Oo Hore Ayuu Qaatay?


Garabka weerarka Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii October, kaddib bandhig heersare ah oo uu ka sameeyey garoomada.

Reds ayaa toddoba dhibcood ka qaadatay sagaal dhibcood oo suurtogal ahaa bishii November, waxaana door weyn ku lahaa Mohamed Salah sidii ay kooxdiisu u heli lahayd toddobada dhibcood.

Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa October ku bilaabatay barbarro 2-2 ahaa oo ay la gashay Brighton & Hove Albion, iyadoo Salah uu labada goolba ugu dhaliyey Amex Stadium, kaddib ciyaarihii caalamiga ahaana, waxay 2-0 ku garaaceen Everton oo kusoo booqatay Anfield, waxaana labada goolba saxeexay Mohamed Salah.

Xiddiga Masar oo ayaa sidoo kale bandhig heersare ah ka sameeyey ciyaartii ay Nottingham Forest ku karbaasheen 3-0, waxaana abaal-marinta bisha ee Premier League ee uu hadda ku guuleystay ay u tahay markiisii shanaad intii uu joogay horyaalka Premier League.

Laacibkan oo su weyn loola xidhiidhinayay horyaalka Sucuudiga, laakiin ku negaaday Liverpool, ayaa 16 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay Liverpool xilli-ciyaareedkan socda, waxa uu u dhaliyey toban gool oo dhamaan tartamada ah iyo afar kale oo uu caawiye ka noqday.

Horyaalka Premier League ayuu ka dhaliyey siddeed gool, waxaanay isku mid yihiin kabtanka Tottenham ee Son Heung-Min, halka Erling Haaland uu hoggaaminayo tartanka kabta dahabka ah oo uu dhaliyey 11 gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*