Liverpool Oo Guul-darradii 1aad Dhadhaminaysa, Chelsea Oo Niyad-jab Kusii Jiraysa Iyo Saadaasha Dimitar Berbatov Ee Usbuucan


Usbuuca toddobaad ee horyaalka Premier League, waxa uu soo afjari doonaa guulihii xidhiidhka ahaa ee Liverpool, waxaana uu caawin doonaa Manchester City oo heli doonta fursad ay shan dhibcood oo nadiif ku qabato hoggaanka, sida uu saadaaliyey halyeygii Manchester United ee Dimitar Berbatov .

Saadaasha Dimitar Berbatov  ayaa ka nixisay Liverpool oo uu ugu bushaareeyey inay guul-darro kala soo laaban doonto magaalada London oo ay ku booqanayso Tottenham, iyadoo Spurs laba kulan oo adag oo Arsenal iyo Liverpool ah dhibco ka xoogsanaysa.

Sabtida ayaa ay dhici doontaa ciyaartan sida weyn loo sugayo, balse waxa horteed la ogaan doonaa natiijada Manchester City iyo Wolves oo garoonka Molineux Stadium ku kala calaf-qaadaya, halka Man United ay markii labaad afar maalmood gudahood la kulmayso Crystal Palace oo ay Salaasadii guul 3-0 ah ka gaadheen, kana reebeen Carabao Cup.

Dimitar Berbatov waxa uu quus ka dhigay Chelsea oo uu ugu bushaareeyey madax-xanuun kale oo ay ka qaadayaan Fulham oo ay marti u noqon doonaan, waxaana uu rumaysan yahay in ay barbarro ku kala bixi doonaan.

Arsenal ayaa kusoo laaban doonta jidka guusha marka ay Sabtida booqato Bournemouth, iyadoo Axaddii ay barbarr niyad-jab ahaa wada galeen Tottenham.

Saadaasha Dimitar Berbatov ee usbuuca 7aad ee Premier League

Aston Villa 2-2 Brighton

Manchester United 2-1 Crystal Palace

Newcastle 3-0 Burnley

Wolves 0-2 Manchester City

Bournemouth 1-2 Arsenal

West Ham 2-0Sheffield United

Everton 2-0 Luton

Spurs 2-1 Liverpool

Nottingham Forest 1-1 Brentford

Fulham 1-1 Chelsea

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*