Barcelona Oo Jabinaysa Rikoodh 20 Sannadood Jiray Kulanka Caawa Ee Sevilla


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa caawa garoonkeeda ku martigelinaysa Sevilla oo si aan fiicnayn ku bilaabatay xilli-ciyaareedka, waxaana ay kooxda tababare Xavi Hernandez doonaysaa in ay kusoo laabato tubta guusha ee ay ka luntay Salaasadii.

Barcelona ayaa waxay barbarro 2-2 ah la gashay Real Mallorca Salaasadii, waxaana sidaas kusoo afjarmay lix ciyaarood oo xidhiidh ah oo ay guuleysanayeen.

Jadwalka cidhiidhiga ah ee horyaalka LaLiga ayaa sababaya in hal usbuuc gudihii ay saddex jeer ciyaarto Barcelona, waxaana caawa ay mari doontaa imtixaan adag oo ay in ay maare u hesho khatarta Sevilla oo u halgamaysa inay kasoo doogto niyad-jabkii ay ku bilaabatay xilli-ciyaareedka.

Laakiin ka hor ciyaarta Estadi Olímpic Lluís Companys, kooxda reer Andalucia ayaa dhibaato ay haysataa, waana rikoohka aadka u liita ee ay ka haystaan Barcelona.

Haddii Barcelona ay guuleysato caawa, waxay noqon doontaa markii 21aad ee ay Sevilla iska hor yimaaddaan ee aanay kooxda reer Andalucia ka badin, taas oo noqon doonta rikoodh weyn.

Sevilla oo ku badisa garoonka Barcelona, waxa ugu dambaysa December 2002, waana muddo laga joogo 21 sannadood iyadoo waqtigaas uu tabababare ka ahaa Barcelona macallinka reer Netherlands ee Louis van Gaal, sidoo kalena uu markaas soo baxay Xavi oo ahaa ciyaartoy da’yar oo ay kooxda reer Catalonia ku aamintay khadkeeda dhexe.

20-ka sannadood ee ay Sevilla booqanaysay garoonka Barcelona, waxa 17 ka mid ah guuleysatay Barcelona, saddex kalena barbarro ayay galeen, caawana waxay noqon kartaa markii 21aad ee ay Sevilla fadhilanto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*