Dheemanka Brazil Ee Manchester Untied Qorshaha Ku Darsatay Oo Ay Kooxo Waaweyn Ku Qabsadeen


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu qabsaday da’yar reer Brazil ah oo uu tababare Erik ten Hag doonayay in uu kusoo kordhiyo safkiisa marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January, waqtigaas oo horyaalka waddanka Brazil uu dhamaad noqonayo isla markaana kooxaha dalkaasi ogolaanayaan in ay iibiyaan ciyaartoydooda.

Lorran oo ay da’diisu tahay 17 jir oo lagu tilmaamo mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan ee da’diisa ah, ayaa mar horeba galay taariikhda kooxdiisa Flamengo markii uu bishii January dhaliyey gool ay barbarro 1-1 ah kaga heleen Bangu, waqtigaas oo uu noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa abid ee gool u dhaliya.

Lorran oo la sheegay in ay kooxo waaweyn oo reer Yurub ah indhaha ku hayaan, ayaa waxa magacyadoodu ay bannaanka yimaaddeen Manchester United iyo kooxda hadda ku qabsatay ee Brighton & Hove Albion.

Tababare De Zerbi ayaa la sheegay inuu iskii ugu dedaalayo in uu laacibkan ku qanciyo in uu yimaaddo AMEX Stadium, isaga oo u sharraxaya sumcadda kooxdiisu u leedahay in ciyaartoyda da’yarta ah ay ka dhigto xiddigo waaweyn.

Waxa kale oo Lorran indhaha ku haya Real Madrid oo uu madaxa suuqa ee Juni Calafat uu muddo daawanayay da’yarkan, kaas oo sidoo kalena ay danaynayaan kooxaha Chelsea, Manchester City, West Ham, Barcelona iyo PSG.

Sharciga ayaan u ogolaan doonin in Lorran uu bisha January tago Yurub balse waxa ay kooxda iibsataa sugi doontaa inta ay da’diisu noqonayso 18 jir, waana si la mid ah Endrick oo Real Madrid ay u sabrayso illaa xagaaga dambe, waqtigaas oo ay da’diisu noqon doonto 18 jir oo uu dhaqangeli doono heshiiskii ay la saxeexatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*