SAADAAL: Chelsea 0-1 Fulham, Liverpool 3-2 Tottenham – Chris Sutton Oo Soo Saaray Saadaashiisa Kulamada 7aad Ee Premier League


Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa la ciyaarayaa usbuucii toddobaad oo ay ballansan yihiin naadiyo waaweyn, iyadoo ay muuqato in si dhab ah loogu kala adkaan doono boosaska ay naadiyada qaarkood kaga jiraan horyaalka, gaar ahaan kuwa eryanaya Man City oo hoggaanka looga hadhay waqti horeba.

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa u safri doonta magaalada London oo ay kula soo ciyaari doonto Tottenham, halkaas oo haddii uu Jurgen Klopp guul ka keeno uu si dhab ah u xoreysan doono booska kaalinta labaad, halka Tottenham-na ay ka hadhi doonto Arsenal oo ay ku haysato booska afraad.

Khabiirka ciyaaraha BBC Sports ee Chris Sutton oo saadaalinayay ciyaaraha usbuucan ayaa yidhi: “Kulanka Tottenham iyo Liverpool waxa uu noqon doonaa ciyaar wanaagsan, wayna adag tahay in aad xulasho kooxda guuleysanaysa. Hubaal weeye in tababaraha Spurs ee Ange Postecoglou aanu awoodi doonin in uu sii ahaado mucjiso.”

Chris Sutton waxa uu saadaaliyey in Liverpool ay saddexda dhibcood ee ciyaartan heli doonto oo ay kaalinta labaad sii xajisan doonto, sidaana ay ku ahaan doonaan koox aan wali dhinaceeda dhulka la dhigin.

Arsenal ayaa dib ugu soo laaban doonta tubta guusha marka ay Sabtida is-helaan Bournemouth, kaddib barbarrihii Tottenham ay la galeen usbuucii hore, balse libintoodu waxa go’aamin doona gool kaliya oo laga dhalin doono ciyaarta.

Manchester United ayaa sii wadan doonta laba guulood oo isku-xigay oo Premier League iyo Carabao Cup ahaa marka ay Crystal Palace ku qaabbilaan Old Trafford, sida uu saadaaliyey khabiirka BBC Sports,hase yeeshee waxa murugo kale geli doonta Chelsea oo guul-darraysan doonta.

Saadaasha Chris Sutton ee kulamada 7aad ee Premier League

Sabti

Aston Villa 2-2 Brighton

Bourenmouth 0-1 Arsenal

Everton 0-1 Luton

Man United 2-1 Crystal Palace

Newcastle 4-0 Burnely

West Ham 2-0 Sheffield United

Wolves 0-3 Manchester City

Tottenham 2-3 Liverpool

Axad

Nottingham 1-1 Brentford

Isniin

Fulham 1-0 Chelsea

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*