Manchester United Oo Dib U Heshay SADDEX Ciyaartoy Oo Dhaawac Kaga Maqnaa


War wanaagsan ayaa usoo yeedhay kooxda kubadda cagta Manchester United, waxaana dib uu u helay saddex ciyaartoy oo kasoo kabtay dhaawac oo tababarka la qaatay ciyaartoyda kale, ka hor kulanka muhiimka ah ee Crystal Palace ee horyaalka Premier League.

Ten Hag ayaa kusoo dhoweeyey kooxdiisa saddex ciyaartoy oo taam u ah inay kusoo bilowdaan kulanka Sabtida ee Crystal Palace oo ay Salaasadii 3-0 ku garaaceen, kana reebeen tartanka Carabao Cup, laakiin ay saddex maalmood kaddib haddana ku kulmayaan.

Palace ayaa u halgami doonta sidii ay uga aargoosan lahayd Manchester United, iyadoo tababare Roy Hogson uu u dhaarsan yahay sidii ay kooxdiisu dib ugu soo noqon lahayd tubta guusha.

Tababarkii Khamiistii ayaa waxa iska soo xaadiriyey saddexda ciyaartoy ee Christian Eriksen, Sergio Reguilon iyo Scott McTominay oo dhamaantood seegay ciyaartii Carabao Cup ee Crystal Palace, laakiin kaliya ku maqnaa jugo ay kasoo kabteen.

Reguilon oo difaaca bidix ah ayaa waxa uu dhaawac fudud kasoo gaadhay ciyaartii Burnely ee usbuucan horraantiisii, waxaana lagu beddelay Raphael Varane, waxaana uu dib u xoogsan doonaa booskiisa maadaama ay wali maqan yihiin Luke Shaw, Tyrell Malacia iyo Aaron Wan-bisska.

Ciyaartii Crystal Palace ee Salaasadii, waxa difaaca bidix ka ciyaaray xiddiga khadka dhexe ee reer Morocco ee Sofyan Amrabat.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*