Iska Illow Real Madrid, Man United & Sucuudiga: Zinedine Zidane Oo Loo Magacaabayo Koox Lama Filaan Ah


Zinedine Zidane ayaa ugu dambayn kusoo laabanaya tababarenimada oo uu ka maqnaa tan iyo markii uu ka tegay Real Madrid dhamaadka xilli-ciyaareedkii 2020/21, waxaana nasasho dheer kaddib lagu arki doonaa garoomada dhowaan.

Zizou oo hore iskaga diiday fursado badan oo uu helay oo uu tababare ugu noqon lahaa kooxo waaweyn oo reer Yurub ah, ayaa waxa la sheegay in uu heshiis la gaadhay kooxdii uu kusoo shaacbaxay ee ay adduunyadu ku baratay ee Olympique Marseille oo tababare la’aan ah.

Kooxda reer France ayaa dhowaan shaqada ka eriday Marcelino kaddib guul-darrooyin aanay filaynin inay waqtigan la kulmi doonaan.

Warbaahinta waddanka Faransiiska ayaa sheegtay, in Marseille ay iibsanayso shirkad laga leeyahay waddanka Sucuudiga, isla markaana loo dhiibayo Zinedine Zidane oo waliba gacanta laga saari doono lacag gaadhaysa €300 milyan oo Euro oo lagu maalgelinayo kooxdaas.

Zidane oo lala xidhiidhinayo kooxdiisii hore ee Real Madrid iyo kooxo kale oo reer Sucuudi Carabia ah, ayaa waxa kale oo uu dhowaan kusoo baxay liiska tababareyaasha ay doonayso Manchester United si uu ugu beddelo Eric Ten Hag haddii ay kooxdi si degdeg ah natiijooyin fiican.

Si kastaba ha ahaatee, Zidane ayaa hore loo filayay in uu noqonayo tababaraha xulka qaranka France, balse Madaxweynihii hore ee xidhiidhka kubadda cagta dalkaas ayaa aflagaaddeeyey, isla markaana heshiis cusub siiyey Didier Deschamps, taas oo keentay in lagu qasbo in uu is-casilo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*