Antony Oo Xalay Saqdii Dhexe Loo Fasaxay Inuu Tago Gurigiisa


Shan saacadood oo xidhiidh ah oo waraysi ah kaddib, xiddiga Manchester United ee Antony ayaa loo ogolaaday inuu ka baxo xarunta booliska ee magaalada Manchester oo uu waqti dambe oo shalay ah tegay, si uu uga jawaabo su’aalo laga weydiinayo dumarka ku eedaynaya inuu tacaddiyada u geystay.

23 jirkan ayaa iskii u tegay booliska oo uu hore u ballan-qaaday in uu u caddayn doono in aanu wax dhibaato ah u geysanin saaxiibaddiisii hore ee Gabriela Cavallin oo dacwad ka gudbisay.

Laacibkan oo ka degay garoonka Manchester Airport maalintii Isniintii isaga oo kasoo duulay magaalada Sao Paulo ee waddanka Brazil, waxaana uu la xidhiidhay booliska Greater Manchester Police oo uu u bandhigayo caddaymo la xidhiidha in aanu wax dembi ah geysanin.

Wargeyska The Times ayaa sheegay, in Antony uu qorsheeyey in uu booliska ku wareejiyo telefoonkiisa gacanta, si ay u baadhaan oo ay ugala baxaan caddaymaha uu ku muujinayo in waxa lagu soo eedaynayo ay been yihiin.

Kaddib markii uu ka baxay xarunta booliska abbaaro 12kii habeennimo ee saqdii dhexe ee waqtiga Geeska Afrika, Antony ayaa ku laabtay guriga uu ka degan yahay magaalada Manchester oo ah gurigii weynaa ee Paul Pogba oo ku yaalla aagga Hale Barns oo uu kiro ahaan ugu jiro.

Si kastaba ha ahaatee, Antony ayaa rajaynaya in ay soo afjarmi doonaan eedaymaha loo haysto oo ay caddaan doonaan in uu dembi la’aan yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*