DEG-DEG: Antony Oo Isku Dhiibay Booliska Ingiriiska


Xiddiga reer Brazil ee Antony ayaa lagu sawiray xarun ay leeyihiin booliska Greater Manchester oo uu isku dhiibay maalin kaddib markii uu kusoo laabtay waddanka UK oo uu ka maqnaa, waxaana hadda si toos ah u bilaabmi doona baadhitaannada iyo dacwadda laacibkan.

Antony oo ku eedaysan in uu tacaddiyo u geystay saddex dumar ah oo ay ku jirto saaxiibaddiisii hore ee Gabriella Cavallin oo soo bandhigtay dhaawacyo uu gaadhsiiyey laacibkan, ayaa waxa iyadana looga yeedhay oo ay u dhooftay waddanka Ingiriiska.

Booliska waddanka Brazil oo hore dacwaddan baadhitaan ugu hayay ayaa waxa hadda xoojinaya baadheyaal Ingiriis ah oo iyaguna dhinacooda ka ururinaya caddaymaha iyo falka uu laacibkan ku kacay, waxaana macquul ah in jeelka loo taxaabo.

Goordhowey ayaa uu Antony oo lagu wado baabuur midabkiidu madow yahay uu isku dhiibay booliska magaalada Manchester oo waraysiyo iyo baadhitaano ku samaynaya, hase yeeshee kooxdiisa Manchester United ayaan ka hadal.

Laacibkan oo hore ugu sugnaa waddankiisa Brazil ayaa Isniintii kasoo duulay Sao Paulo waxaana uu ku leexday Spain, ka hor intii aanu tegin London.

23 jirkan oo hore u sheegay in uu la shaqaynayo booliska, isla markaana caddaynayo in aanu wax dembi ah lahayn, ayaa iskii u tegay xarunta booliska ee Greater Manchester Police, waxaana la filayaa in war-saxaafadeed laga soo saari doono arrintiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*