RASMI: Xavi Oo Soo Saaray Liiska Ciyaartoyda Barcelona Ee Kulanka Jimcaha, Kana Hadlay Ganaaxa Lagu Riday Kooxdiisa


Xavi Hernandez ayaa hoos u dhigay khatarta iyo saamaynta ay kooxdiisa ku yeelanayso fadeexadda garsoorka LaLiga ee maanta la shaaciyey in Barcelona lagu helay inay lacago laaluush ah siiso, isla markaana lagu ridayo ganaax.

Xaakim reer Spain ah oo kiiskan gacanta ku hayay ayaa sheegay in Barcelona ay sharciga jabisay oo waliba ay bixisay lacag laaluush ah oo gaadhaysa €8 milyan oo Euro, taasoo gacanta ay ka saareen Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee  xidhiidhka garsooreyaasha waqtigii uu xilka hayay.

Xavi oo shir jaraa’id maanta ka hadlayey ka hor ciyaarta Jimcaha ee Sevilla ayaa waxa uu sheegay in sheekadani noqotay musalsal oo aanu isagu ka jawaabaynin balse ay macquul tahay in berrina la arko iyadoo waji kale leh oo qaab kale loo dhigayo.

Xavi ayaa dhinaca kale shaaciyey liiska ciyaartodiisa kulanka Sevilla ee habeen dambe, kaas oo haddii ay guuleystaan ay si ku-meelgaadh ah ula wareegayaan hoggaanka horyaalka.

20 ciyaartoy ayuu Xavi Hernandez usoo xushay kulankan, balse waxa ka maqan Frenkie De Jong oo dhaawac muddo u jiifaya iyo Pedri Gonzalez oo aan wali kasoo laabanin dhaawac muruqa kasoo gaadhay.

Joao Cancelo oo la filayay in la nasiyo kulankan ayaa ka mid noqday liiska ciyaartoda Barcelona.

Liiska ciyaartoda Barcelona ee kulanka Sevilla

Goolhayeyaal: Marc-Andre ter Stegen, Inaki Pena, Ander Astralaga

Difaacyahanno: Joao Cancelo, Alejandro Balde, Ronald Araujo, Inigo Martinez, Andreas Christensen, Marcos Alonso, Sergi Roberto, Jules Kounde

Khadka dhexe: Gavi, Oriol Romeu, Ilkay Gundogan, Fermin

Weerarka: Ferran Torres, Robert Lewandowski, Raphinha, Joao Felix, Lamine Yamal

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*