Difaac Bidix Illaa Khad Dhexe – LABA Dhibaato Oo Uu Sofyan Amrabat Ka Xallinayo Manchester United Oo Lasoo Bandhigay


Manchester United ayaa ugu dambayntii heshay xiddigii ay tabayeen ee Soyan Amrabat oo uu Erik ten Hag kulankiisii koowaad kusoo bilaabay Salaasadii, kaddib markii ay maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagii ay amaah kaga soo qaateen Fiorentina.

60 daqiiqadood oo uu ku jiray garoonka kulankii Crystal Palace ee Carabao Cup ayaa uu Soyan Amrabat kusoo bandhigay in uu yahay xalka dhibaatooyinka haysta Manchester United, isaga oo ka dheelay laba boos oo ay kooxdu ka burbursanayd.

Soyan Amrabat ayaa waxa uu si lama filaan ah ugu soo bilowday difaaca bidix oo ay kooxdu ciyaartooyo la’aan ka noqotay markii ay dhaawacmeen Tyrell Malacia, Luke Shaw, Aaron Wan-Bissaka iyo saxeexii cusbaa ee Sergio Reguilon.

Kalsooni uu kubadda ku maamulayay, in uu si fiican ula shaqaynayay khadka dhexe iyo in uu u ogolaaday Mason Mount in aanu dib usoo noqonin ee uu la shaqeeyo weerarka ayaa ahayd shaqadii koowaad ee uu Salaasadii qabtay Soyan Amrabat.

Markii ay bilaabantay qaybta dambe ayaa waxa dib loogu soo celiyey khadka dhexe oo ah booskiisa dabiiciga ah, waxaana markiiba layaab ahayd sida ay isku fahmeen Casemiro oo ay burburinta kubadda iyo dhismaha intaba si isku mid ah u qabanayeen.

Arrinta uu Soyan Amrabat kaga fiicnaa Scott McTominay iyo Christian Eriksen ayaa waxay tahay in uu leeyahay baas bixin cajiib ah iyo ha-difaacis wanaagsan oo labada kale aanay isku darsanin, waana labada arrimood ee uu Erik ten Hag boos joogto ah ku siinayo Soyan Amrabat.

Erik ten Hag ayaa u isticmaali doona Soyan Amrabat khad dhexe oo caawiya Casemiro, sidoo kalena la shaqeeya difaaca bidix si Bruno Fernandes ama Mason Mount aanay uga walwalin in ay dib usoo noqdaan oo ay la shaqeeyaan difaacyahannada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*