Liverpool Oo Noqotay Kooxda Ugu Weerarka Wanaagsan Premier League Iyo Rikoodhka Taariikhiga Ah Ee Loo Diiwaangeliyey


Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay kooxuhu ciyaareen min lix kulan, waxa durba soo baxday kooxda loogu cabsida badan yahay weerarkeeda ee xilli-ciyaareedkan ay naadiyada kale ka walwalsan yihiin.

Manchester City oo haysata Erling Haaland iyo Julian Alvarez oo xilli-ciyaareedkii hore ahayd kooxda goolasha ugu badan dhalisay, waxa hadda booska dileyaasha afka hore ee cabsida laga qabo kala wareegtay Liverpool.

Shan ciyaartoy oo dhaliyeyaal ah oo si fudud difaacyahannada u muquunin karaya ayay Liverpool haysataa, waana Mohamed Salah, Luis Diaz, Darwin Nunez, Diogo Jota iyo Cody Gakpo oo loo bixiyey ‘Fabulous Five’ ama shanta cajiibka ah.

Waxa kale oo soo raaca Ben Douk oo ah 17 jir loo carbinayo booska Mohamed Salah oo uu tababare Jurgen Klopp sheegay in aanu qosolka xajisanin marka uu daawanayo waxa uu samaynayo da’yarkani.

Liverpool oo ay hore uga kala daadatay ‘Fab Three’ oo ahaa saddexlaydii Salah, Firmino iyo Sadio Mane oo labada dambe ay u wareegeen Sucuudiga, ayaa warbixin uu maanta daabacay wargeyska Daily Mail waxa lagu sheegay in ay tahay kooxda haysata weeraryahannada ugu halista badan horyaalka Premier League ee ay adag tahay in la joojiyo.

Daily Mail oo tusaale usoo qaadanayay goolasha ay dhaliyeen Nunez, Jota, Gakpo, Salah iyo Diaz xilli-ciyaareedkan ayaa waxa uu xusay in Jurgen Klopp uu abuuray koox saansaanteedu guul ku dhamaanayso oo waliba khadka dhexe uu ka hagayo Domink Szoboszlai oo gantaal dhaliyey ciyaartii leicester City ee xalay.

Shan ka mid ah ciyaarihii ay dheeshay Liverpool xilli-ciyaareedkan, waxay dhaliyeen ugu yaraan min saddex gool, waxaana ugu dambaysay in ay sidaa sameeyaan 1980-meeyadii waqtigii uu Kenny Dalglish hoggaaminayay naadiga.

Waxa kale oo cajiib ah in Liverpool aan dhinaceeda dhulka la dhigin tan iyo April 1, waana 19 ciyaarood oo isku xiga oo ay guul-darro la’aan yihiin dhamaan tartamada.

Imtixaanka ugu adag, waxay shanta cajiibka ah ee Salah, Nunez, Diaz, Gakpo, Jota iyo Szoboszlai mari doonaan Sabtida oo ay ballansan yihiin Tottenham oo xilli-ciyaareedkan wacdaro ka dhigaysa horyaalka Premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*