Zinedine Zidane ayaa ugu dambayntii magacaabay xiddig uu ka baqan jiray marka uu garoomada ku jiro oo uu ku ducaysan jiray in aanay marnaba iska hor imanin iyo laacib kale oo uu ku sheegay inuu ahaa mid caqli badan oo xirfad badan, kuwaas oo labadoodaba aanu midkoodna jeclaysan jirin inay iska hor yimaaddaan.
Zidane oo ka mid ahaa ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ee soo maray kubadda cagta qarniga 21aad, ayaa waxa uu abaal-marinta Ballon d’Or ku guuleystay sannadkii 1998kii, kaddib markii uu xulka qaranka Faransiiska u qaaday Koobka Adduunka.
Muuqaal laga duubay oo xayaysiis u ahaa shirkadda dharka ee Adidas, ayaa waxa Zidane lagu weydiiyey su’aalo la xidhiidha xilligii uu ciyaartoyga ahaa ee uu waliba wacdaraha ka dhigayay garoomada iyo ciyaaryahannadii iska hor iman jireen ee nafta u keenay, gaar ahaan difaacyahannada.
Zidane ayaa la weydiiyey, waa kuma ciyaartoygii ugu adkaa ee aad ka hor tagtay, waxaana uu ku jawaabay: “Midkii ugu adkaa? Waa Paolo Maldini, sababtoo ah waxa uu ahaa ciyaartoy xariif ah oo caqli badan gudaha garoonka.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Zidane sheegay in uu ka baqi jiray Lilian Thuram oo ay xulka qaranka France iyo Juventus u wada ciyaari jireen, balse ay muddo dheer ku xafiiltameen garoomada iyadoo uu Thuram joogay Parma halka Zidane uu ahaa hoggaamiyaha khadka dhexe ee Juventus, ka hor intii aanu tegin Real Madrid iyadoo markaasna uu Thuram usoo wareegay Barcelona, taas oo mar kale kulmisay.
“Thuram, ayaa isaguna ahaa ciyaartoy adag. Marka uu kooxdaada ku jiro waad ku farxaysaa, laakiin marka uu u ciyaarayo kooxda kaasoo horjeedda, kuma farxaysid.”
Be the first to comment