DEG-DEG: Dheemanka Reer Turkey Ee Arda Güler Oo Mar Kale Dhaawacmay Iyo Walaaca Haysta Real Madrid


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xaqiijisay dhaawac horleh oo soo gaadhay xiddiga da’da yar ee reer Turkey ee Arda Guler oo mar kale uu dhaawac soo gaadhay isaga oo aan wali hal ciyaar u safanin naadiga oo saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey kursiga kaydka fadhiyey.

Arda Guler oo Real Madrid ay xagaagii kasoo iibsatay Fenerbahce ayaa waxa uu kasoo laabtay qalliin lagaga sameeyey lugta iyo dhaawac kale oo ka horreeyey oo muruqa kasoo gaadhay maalmihii ugu horreeyey ee kooxda uu yimid ee xagaagii, taas oo keentay in illaa hadda aanu wax ciyaar ah u safanin naadiga.

18 jirkan ayaa ka maqnaaday tababarka kooxdiisa labadii maalmood ee ugu dambeeyey, waxaana uu ka maqnaan doonaa ciyaarta Sabtida ee horyaalka LaLiga Valencia, taas oo ay ku xigi doonaan kulamada caalamiga ah.

Carlo Ancelotti ayaa kursiga kaydka ku hayay Arda Guler ciyaartii Sporting Braga oo la filayay inuu beddel ku yimaaddo iyo ciyaartii Axaddii ee Rayo Vallecano, waxaana uu Carlo ku dooday in aanu taam buuxa ahayn.

Real Madrid oo Sabtida garoonkeeda Santiago Bernabeu ku qaabbilaysa Valencia, ayaa waxa tababarkii Khamiistii iyo Jimcaha maantaba awoodi waayey inuu qaato Arda Guler oo qolka jimicsiga ama jidh-dhiska ay dhakhaatiirtu ku kormeerayeen tababar fudud oo uu ku samaynayay.

Laakiin Jude Bellingham ayaa tababarka maanta iyo shalayba joogay isaga oo aan wax dhibaato ah qabin, una muuqanaya inuu kasoo kabtay dhaawac garabka ah oo kasoo gaadhay ciyaartii Rayo Vallecano, balse Carlo Ancelotti ayaa goordhow bixin doonta xogta dhakhaatiirta ee taam ahaanshaha Jude Bellingham oo kaydka lagu hayay kulankii Sporting Braga.

Waxa kale oo tababarka Real Madrid ka maqnaaday Antonio Rudiger oo la siiyey fasax isaga oo taam ah maadaama uu ganaax kaga maqnaanayo ciyaarta Valencia iyadoo ay u buuxsameen shan kaadh oo digniin ah xilli-ciyaareedkan.

Wargeyska Marca ayaa qoray, in Arda Guler uu taam noqon doono marka laga soo noqdo kulamada caalamiga ee bisha November, taas oo ka dhigan in aanu xataa qayb ka noqonayn xulka qarankiisa Turkey kulamada isreeb-reebka Euro 2024.

Real Madrid ayaa waxa ay Khamiistii xaqiijisay in uu ka dhaawacan yahay Kepa Arrizabalaga oo uu muddo saddex toddobaad ah maqnaan doono, halka Aurelien Tchouameni la sheegay in uu bilo jiifayo, halka Eder Militao iyo Courtois ay yar tahay fursadda ay xilli-ciyaareedkan kaga soo muuqanayaan naadigooda, iyadoo Dani Ceballos uu wali u jiifo dhaawac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*