Shan Ciyaartoy Oo Laga Saarayo Xulka Qaranka England Ee Shalay La Magacaabay


Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate waxa uu shalay soo saaray liiska ciyaartoydiisa kulamada bisha November ee isreeb-reebka Euro 2024 oo uu dalkiisu waqti horeba usoo baxay, laakiin shan ka mid ah ciyaartoydii uu soo xushay ayaa la sheegay in laga saarayo xulka.

Xulka qaranka England oo la ballansan Malta iyo North Macedonia, ayaa waxa ay doonayaan in ay qaab wanaagsan kusoo dhamaystaan kulamada isreeb-reebka.

Gareth Southgate ayaa magacaabay ciyaartoydiisa ugu waaweyn ee uu inta badan isticmaalyey kulamadii isreeb-reebka Euro 2024, balse waxa uu kusoo daray shan ciyaartoy oo taam ahaanshahoodu aanu sugnayn oo dhaawacyo qaba.

Xiddiga khadka dhexe ee James Maddison ayaa saaka la xaqiijiyey in laga saaray xulka oo shalay lagu soo daray, maadaama uu muddo u jiifayo dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Isniintii ee Chelsea, waxaana sidoo kale ay dhakhaatiirtu dersayaan xiddiga Arsenal ee Bukayo Saka oo dhaawac uu kasoo gaadhay ciayartii Champions League ee Sevilla ee toddobaadkan.

Maddison iyo Saka ayaa waxa wehelinaya Callum Wilson oo isaguna dhaawac ah, halka Jude Bellingham ay Real Madrid sheegtay inuu garabka ka dhaawacan yahay oo uu kaydka fadhiyey ciyaartii Champions League ee Sporting Braga, waxaana lagu riixayaa Southgate in uu ka saaro liiska xulka qaranka England maadaama uu dhaawaciisu yahay garabka oo uu si fudud halis ku geli karayo.

Ciyaartoyga kale ee ay suurtogalka tahay in laga saaro xulka qaranka England waa kabtanka kooxda Brighton ee Lewis Dunk oo garoonka laga saaray waqtiga nasashada ee ciyaartii ay xalay Ajax ku garaaceen 2-0.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*