Sir Jim Ratcliffe Oo Dalbaday In Faahfaahin Laga Siiyo Sababta Ay U Fashilmeen Xiddigihii Ay Manchester United Lacagta Badan Kasoo Bixisay


Maalqabeenka reer Britain ee Sir Jim Ratcliffe oo la filayo inuu iibsado 25% Manchester United ayaa doonaya in uu ogaado sababta keentay in xiddigo ay Manchester United ku kharash garaysay lacag ka badan £1.4 bilyan oo Gini ay noqdaan kuwo fashilmay oo aan wax guulo ah usoo hoynin naadiga.

Ratcliffe ayaa la rumaysan yahay in uu bixin doono £1.3 bilyan oo Gini oo uu Isniinta ku gadanayo 25% saamiyada Manchester United, laakiin 71 jirkan ayaa miiska soo saaray su’aalo ay adag tahay in ay kooxdu ka jawaabto.

Richard Arnold oo ah guddoomiyaha Manchester United, John Murtough oo ah agaasimaha kubadda cagta iyo David Harrison ayaa waxa uu Sir Jim Ratcliffe ka doonayaa in ay uga jawaabaan sababta ciyaartoydii qaaliga ahaa ee ay la saxeexatay Red Devils ay u noqdeen kuwo fashilmay, waxaana uu qorshaynayaa in naadiga laga diro ciyaartoyda magaca weyn ee ay ciyaartoodu liidato.

Tobankii sannadood ee Manchester United uu ka maqnaa Sir Alex Ferguson ayaa waxay ciyaartooyo cusub ku kharash garaysay £1.3 bilyan oo Gini, waxaanay muddadaasi kasoo bilaabmaysaa xagaagii 2013, haddana waxa ay awoodi waayeen in ay wax guulo ah kooxdu kasoo hoyso garoomada.

Ciyaartoydan ayaa waxa ka mid ahaa Paul Pogba oo ay Man United kusoo iibsatay £89 milyan oo Gini, Antony oo £85.5 milyan oo Gini ahaa, Harry Maguire oo £85 milyan ay kasoo bixiyeen, Romelu Lukaku oo £75 milyan oo Gini ku joogay, Jadon Sancho oo £73 milyan oo Gini ay kaga soo iibsadeen Borussia Dortuund, Angel Di Maria oo £59.7 milyan oo Gini ay kaga soo qaateen Real Madrid, Anthony Martial oo ku joogay £44.5 milyan oo Gini iyo Donny van de Beek oo £40 milyan oo Gini ay kasoo bixiyeen.

Manchester United ayaa waxa laga soo bilaabo 2013 xilligii uu hawlgabka ka noqday Sir Alex Ferguson, waxay kaliya ku guuleysteen hal FA Cup, laba League Cup iyo hal Europa League.

Lacagta ay kooxdu kharash garaysay, waxa cirka kusii shareeray Erik ten Hag oo xilli-ciyaareedkiisii labaad ku qaadanaya Old Trafford oo kharash gareeyey £374 milyan oo Gini.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*