Kepa Arrizabalaga Oo Ku Biiray Liiska Xiddigaha Ka Dhaawacan Real Madrid & Muddada Uu Maqnaanayo


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa waxa ka dhaawacmay goolhayaha reer Spain ee Kepa Arrizabalaga ee ay xagaagii amaahda kaga soo qaateen Chelsea, kaas oo u beddelay Thibaut Courtois oo dhaawac u jiifaya xilli ciyaareedka oo dhan isaga oo jilibka ka jabay.

Kepa Arrizabalaga ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda Real Madrid kulankii Sporting Braga ee tartanka Champions League ee xalay, kaddib markii uu ku dhaawacmay tababarkii iskululaynta ee ka hor ciyaarta.

Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyey in uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay, laakiin baadhitaanno lagu sameeyey maanta ayaa waxa ay muujiyeen in uu muruqa kubka ka dhaawacan yahay, isla markaana uu muruqu sameeyey dillaac yar.

Warbaahinta waddanka Spain ayaa sheegtay, in sawirro laga qaaday Kepa ay muujiyeen dillaac muruqa ah, laakiin Jimcaha mar kale lagu celin doono sawirro iyo baadhitaanno dheeraad ah.

Kepa ayaa ka maqnaan doona ciyaarta Valencia ee toddobaadkan ee horyaalka Spain ee LaLiga, sidoo kalena waxa aan lagu soo darin doonin liiska ciyaartoyda xulka qaranka Spain ee lagu dhawaaqayo berri.

Waxa uu liiska dhaawacyada kula biirayaa Courtois, Eder Militao, Tchouameni iyo Dani Ceballos, waxaana la qiyaasayaa in uu saddex toddobaad ka maqnaan doono garoomada.

Andre Lunin oo bandhig fiican ka sameeyey ciyaartii Sporting Braga oo rikoodhe badbaadiyey, sidoo kalena joojiyey darbado kale oo lagu toogtay ayaa sii ahaan doona goolhayaha kooxda muddada uu maqan yahay Kepa.

Dhinaca kale, Jude Bellingham ayaa taam noqday inkasta oo la fadhiisiyey ciyaartii Sporting Braga, waxaana uu kasoo doogay dhaawac kasoo gaadhay garabka, balse Carlo Ancelotti iyo dhakhaatiirta ayaa si wada-jir ah u go’aamin doona haddii uu kusoo bilaaban doono ciyaarta Sabtida ee Valencia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*