Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Dhaawacii Xalay Soo Gaadhay Bukayo Saka Iyadoo Ay Hore U Maqnaayeen Jesus, Partey Iyo Nketiah


Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay dhaawaca Bukayo Saka oo ay waxyeello kasoo gaadhay ciyaartii ay xalay 2-0 ku garaaceen Sevilla.

Xiddiga reer England oo dhaliyey gool qurux badan, sidoo kalena caawiyey goolka uu Leandro Trossard ku furay ciyaarta qaybta hore, ayaa waxa soo gaadhay dhaawac.

Laacibka reer England ayaa dhawr daqiiqadood dhulka jiifay, waxaana garoonka ugu soo galay dhakhaatiirta oo u sameeyey daawooyinka, iyadoo dhawr daqiiqadood kaddibna lagu beddelay Jakub Kiwior.

Mikel Arteta oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey dhaawaca Bukayo Saka oo walaac ku abuuray taageereyaasha, maadaama ay hore dhaawacyo ugu jiifeen Gabriel Jesus, Eddie Nktiah iyo Thomas Partey.

“Waxa ku dhacay laad, waxaanay dhakhaatiirtu ii sheegeen, in aanu ku faraxsanayn in uu sii wato ciyaarta.” Ayuu yidhi Mikel Arteta, waxaanu ku daray: “Waxa uu dareemayay in aanu taam ahayn, laakiin waxa aan rajaynayaa in uu diyaar u noqon doono ciyaarta soo socota.”

22 jirkan ayaa waxa xilli-ciyaareedkan uu la daalaa-dhacayaa dhaawacyo fudud oo kusoo noqnoqda inkasta oo aanu waqtiyo badan u jiifin, waxaana ay jugo soo gaadheen oo laga saaray kulamadii Premier League ee Tottenham iyo Bournemouth, halka uu gebi ahaanba ka maqnaaday ciayartii Manchester Ctiy ay 1-0 kaga badiyeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*