RASMI: Xulka Qaranka England Ee Isreeb-reebka Euro 2024 Oo La Soo Saaray


Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda xulka qarankiisa England ee kulamada isreeb-reebka Euro 2024 ee bishan November ee Malta iyo North Macedonia, kuwaas oo ay u baahan yihiin in ay sii wataan guulahooda, si ay iyaga oo aan dhinacooda dhulka la dhigin ugu tagaan Germany.

Three Lions ayaa mar horeba usoo gudubtay tartanka Euro 2024 ee lagu qabano Jarmalka, waxaana caawiyey guushii 3-1 ahayd ee ay bishii October ka gaadheen Talyaaniga, iyaga oo kaalinta koowaad kaga soo gudbay Group C, halka Ukraine iyo Talyaanigu ay booska labaad ku dagaallamayaan.

England ayaa Jimcaha waxa ay garoonka Wembley ku martigelin doontaa waddanka Malta, halka Isniinta November 20 ay magaalada Skopje ugu tegi doonto North Macedonia oo garoonka Proeski ay ku ballansan yihiin.

Southgate ayaa xulkiisa kusoo daray weeraryahanka Aston Villa ee Ollie Watkins oo markii labaad oo xidhiidh ah kasoo muuqanaya xulka, Jarrod Bowen, James Maddison iyo Callum Wilson oo dhamaantood bandhig heersare ah samaynayay xilli-ciyaareedkan.

Liiska xulka qaranka England oo dhamaystiran

Goolhayeyaal: Sam Johnstone, Jordan Pickford, Aaron Ramsdale

Difaacyahanno: Levi Colwill, Lewis Dunk, Marc Guehi, Harry Maguire, Fikayo Tomori, Kieran Trippier, Kyle Walker

Khadka Dhexe Trent Alexander-Arnold, Jude Bellingham, Conor Gallagher, Jordan Henderson, Kalvin Phillips, Declan Rice

Weeraryahanno: Jarrod Bowen, Phil Foden, Jack Grealish, Harry Kane, James Maddison, Marcus Rashford, Bukayo Saka, Ollie Watkins, Callum Wilson.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*