Real Madrid Oo Xaqiijisay Dhaawaca Jude Bellingham


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa shaacisay in uu garabka ka dhaawacmay xiddiga reer England ee Jude Bellingham kulankii ay barbarraha goolal la’aanta ah la galeen Rayo Vallecano ee ay labada dhibcood ku lumiyeen Axaddii.

Real Madrid ayaa natiijo niyad-jab ah kala kulantay Rayo Vallecano oo marti ugu ahayd Santiago Bernabeu, waxaana natiijada uga sii darnaa in uu dhaawacmay Jude Bellingham oo ah ciyaartoyga ugu goolasha badan kooxdaas xilli-ciyaareedkan.

Los Blancos ayaa u dhacday kaalinta labaad oo laba dhibcood ka dambaysa Girona oo hoggaaminaysa horyaalka LaLiga, waxaana Carlo Ancelotti uu xaqiijiyey, in Jude Bellingham uu ciyaarta dhamaystay isaga oo dhaawac ah oo garabka wax ka qaba. Waxa kale oo Real Madrid kaadh digniin ah laga siiyey Antonio Rudiger oo ka maqnaan doona ciyaarta Valencia.

Jude Bellingham oo 13 gool u dhaliyey 14 ciyaarood oo uu u saftay Real Madrid ayaa uu dhaawacu soo gaadhay bilowgii ciyaarta markii isaga oo kubbad xabbadka ku qabanaya uu dhulka ku dhacay, kaddibna uu garabka wax ka noqday.

Carlo Ancelotti oo ka hadlay xaaladda Jude Bellingham ayaa yidhi: “Wuu dhamaystay ciyaarta isaga oo xanuun dareemaya balse waa uu awooday in uu sii wato. Berri [maanta] ayuu mari doonaa baadhitaan, waxaanay ila tahay in aanu dhaawaciisu halis ahayn.”

Si kastaba ha ahaatee, Carlo Ancelotti waxa uu rajo fiican ka muujiyey, in Jude Bellingham uu diyaar u noqon doono ciyaarta Champions League ee Sporting Braga ee Arbacada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*