Bruno Fernandes Oo Si Lama Filaan Ah Uga Tegaya Manchester United & Halka Uu Kusii Jeedo


Kabtanka Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa la sheegay in uu ka tegayo Old Trafford oo uu ku dareemayo culays badan, kaddib saddex sannadood oo uu ku sugnaa Red Devils oo kaliya hal koob oo ah Carabao Cup uu kula guuleystay.

Bruno Fernandes oo canaan badan la kulmaya xilli-ciyaareedkan oo ay falanqeeyeyaasha ciyaaruhu ku talinayaan in laga xayuubiyo kabtannimada, isla markaana laga joojiyo booskiisa damaanadda ah ee uu sida joogtada ah ugu soo bilaabanayo, ayaa waxa uu helayaa dalabyo uu kusoo afjari karayo waqtigiisa Old Trafford.

29 jirkan oo January 2020 ay Manchester United kasoo iibsatay Sporting Lisbon ayaa waxa uu dalabyo ka helayaa horyaalka waddanka Sucuudiga, halkaas oo ay labadii suuq ee ugu dambeeyey isku urursanayeen ciyaartooyo waaweyn sida Cristiano Ronaldo, Karim Benzema, Neymar, Riyad Mahrez, N’Golo Kante iyo kuwo kale.

Sucuudiga oo sidoo kale laga doonayo xiddigaha Liverpool iyo Manchester City ee Mohamed Salah iyo Kevin De Bruyne oo loo badinayo in dhamaadka xilli-ciyaareedkan ay tegi doonaan, ayaa waxa isaguna liiska dalkaas laga doonayo soo galay Bruno Fernandes.

Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha Rudy Galetti oo u dhashay waddanka Talyaaniga, Fernandes oo dhaliyey goolka guusha Manchester United ciyaartii Fulham ayaa waxa wakiilkiisa la kulmay masuuliyiin ka socda kooxaha Al-Nassr, Al-Hilal, Al-Ittihad iyo Al-Ahli.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayay ku noqon doontaa wax aan la aqbali karayn, in Fernandes oo lagu tilmaamo ciyaartoygeeda ugu muhiimsan oo January 2020 ay kasoo bixiyeen £66 milyan oo Gini uu si fudud kaga tago waqti kooban gudaheed, iyadoo 200 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 67 gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*