Xidhiidhka FA-ga Oo Go’aan Ka Gaadhay Ganaaxa Luis Diaz Oo Lagu Haysto ‘Inuu Dalbaday In Lasii Daayo Aabbihii’


Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa go’aan ka gaadhay in ay ganaax kusoo rogaan xiddiga Liverpool ee Luis Diaz oo Axaddii soo bandhigay farriin ku qornayd garankiisa, taas oo uu ku dalbaday in lasii daayo aabbihii oo ay koox budhcad ah ku afduubatay waddanka Colombia.

Luis Diaz ayaa jabiyey sharciga FA-ga oo diidaya in farriimo lagu soo bandhigo garoomada, taas oo isaguna uu si qiiro leh ugu soo bandhigay qoraal uu kusoo xardhay garankiisa hoose oo ahaa ‘Waa in lasii daayo aabbahay’.

Diaz oo dhaliyey goolka barbarraha ee Liverpool daqiiqaddii 90+5 kulankii Luton Town ee barbarraha 1-1 ah kusoo dhamaaday, ayaa waxa uu ka hor yimid sharciga FA ee u diidaya ciyaartoyda in ay farriimo shaqsi ah kusoo bandhigaan ciyaaraha Ingiriiska.

Laakiin sida uu qoray wargeyska Daily Mail, xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa go’aamiyey in aanu Luis Diaz kusoo rogin wax ganaax ah, iyaga oo ka eegaya falka lagula kacay qoyskiisa oo hooyadii iyo aabbihiiba la afduubay, illaa haddana uu maqan yahay aabbihii.

Dhinaca kale, kooxda ELN ee afduubka geysatay oo argigixiso ka qoran waddanka Colombia ayaa iyaguna shaaciyey in ay ka dhabayn doonaan ballanqaadkoodii ahaa in ay sii daayaan Luis Manuel Diaz oo ah aabbaha dhalay Luis Diaz, waxaanay sheegeen in ay ku qaldameen afduubkiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*