Xiddiga Liverpool ee Dominik Szoboszlai ayaa sheegay in uu ku dhibaatooday kooxdaas oo uu ku dareemayo cidlo iyo kalinimo tan iyo markii uu xagaagii uga soo wareegay kooxda horyaalka Germany ee RB Leipzig.
Liverpool ayaa waxay Dominik Szoboszlai kasoo bixisay lacag gaadhaysa £60 mil;yan oo Gini, waxaana uu markiiba xubin firfircoon oo lama-taabtaan ah ka noqday khadka dhexe ee Liverpool ee ay xagaagii banneeyeen Jordan Henderson, Naby Keita, James Milner iyo Fabinho oo dhamaantood ka tegay.
23 jirkan reer Hungary oo aanay waqti badan ku qaadanin la-qabsiga qaab0ciyaareedka Liverpool, waxa dhibaato ku noqotay nolosha cusub ee Ingiriiska, waxaana waraysi uu siiyey wargeyska Premier Leak ee kasoo baxa waddankiisa uu ku yidhi: “Been ayaan sheegayaa haddii aan idhaahdo ma dareemayo kalinimo iyo cidlo.
“Waxa jira maalmo aan guriga dhax fadhiisto oo aan garan waayo wax aan sameeyo, kaddibna aan daawato filin oo aan isku dayo in aan seexdo, aniga oo rajaynaya berri.”
Ka sokow cidlonimada, waxa uu Szoboszlai u ciyaaray Liverpool dhamaan kulamadii horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan, waxaana sheegay inuu doonayo inuu si joogto ah usii ciyaaro inkasta oo uu mararka qaarkood dareemo inuu daallan yahay.
“Shaqsiyan, waxa aan doonayaa in aan ciyaaro kulan walba, xataa haddii aan dareemayo daal. Wax walba, ha noqoto FA Cup, League Cup, Europa League, Premier League, xulka qaranka, wax walba, waxa aan doonayaa in aan ciyaaro.” Ayuu yidhi Dominik Szoboszlai.
Si kastaba ha ahaatee, Jurgen Klopp ayay kooxdiisu Axadda safar ugu tegaysaa Luton Town iyagoo rajaynaya in ay sii dheeraystaan lix ciyaarood oo guul-darro la’aan ahaa, isla markaana ay ku dhowaadaan Tottenham oo hoggaanka haysa, kana horreysa saddex dhibcood.
Be the first to comment